Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim oo Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa , ayaa si kulul u beeniyay warar ku salaysnaa inuu qorshaynayo iscasilaad, waxaanu sheegay inaanay jirin sabab uu isku casilo. Waxa uu sheegay in isku shaandhayntu tahay xaq distuuri ah oo Madaxweyne Siilaanyo leeyahay islamarkaana uu caadi u arko isku bedelka iyo xilka qaadista Golaha wasiirada lagu sameeyay.
Wasiirka oo la waydiiyay aragtidiisa Wasiirada ay isku degaanka yihiin, asxaabtana ahaayeen ee iscasilay waxa uu ku jawaabay “Saaxiibaday Hadii ay Qaarkood Saluugeen Xilkii loo dhiibay kolayna saaxiibtinimadu ujeedooyin badan ayay leedahay dadkuna wax badan ayay wadagaan wax badana way ku kala duwan yihiin,anigu waxaan u arkayay dhacdadaas dhacday iyo isku shaan-dhayntaas lagu sameeyay wax caadi Ah.”
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Samaale iyo abiibi saaxiibo isku dhaw ayaanu ahayn isku tiin ayaanu ahayn,iyaguna duruufahooda Gaarka Ah iyo dano ay iyagu leeyihiin ayay ku gadheen in ay is casilaan,aniguna wali Tiinkii madaxwayne siilaanyo Ayaan ku jiraa oo waliba saaxiibo badan Ayaan leeyahay,markaas ilaa hadana waxaan xukuumada kaga baxo ma arko”
Hadal wasiirka ayaa imanaya iyadoo maalmihii u dambeeyay bulshadu aad u hadal haysay Iscasilaada Masuuliyiin Xukumadda ka tirsan sameeyeen,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Cabdicasiis Samaale, Abiib timacad iyo la taliyihii Madaxweynaha ee Beelaha la hayb sooco, sidoo kalena qaar kale la saadaalinayay.
HALKAN KA DAWO: