Djibouti, Djibouti – Madaxda Hay’adaha Sirdoonka ee dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD ayaa kulan laba maalmood socday ku yeeshay dalka Djibouti, kaas oo sida la sheegay lagaga hadlayey xaaladda guud ee amniga wadamada Bariga Afrika iyo looga hortegi lahaa falalka kooxaha argagixisada loogu yeedho.
Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada iyo Ammaanka ee ururka Midowga Afrika, Amb. Smail CHERGUI oo khudbaad ka jeediyey shirkaas ayaa ka hadlay kor u kaca weerarada kooxaha argagixisada ah iyo halista uu ku jiro ammaanka wadamada qaaradda Afrika qaarkood.
“Waxaan soo dhaweynaynaa fursaddan qaaliga ah ee la I siiyay inaan ka hadlo kulankan ugu horreeya ee ay madaxda hay’adaha sirdoonka iyo ammaanka dalalka Bariga Afrika ee ka tirsan urur goboleedka IGAD. Kulankan maanta (shalay) waxa uu ii yahay fursad gaar ah oo aan ku doonayno in tallaabo cusub oo muhiim ah ka qaadaan xoojinta iskaashiga goboleed iyo qaybsiga kheyraadka si fiican loo waajaho caqabadaha maanta hor taagan,” ayuu yidhi Ambassador Smail CHERGUI.
Safiirku waxa kaloo uu sheegay in wadamada ka tirsan IGAD ay iska kaashadaan arrimaha ku saabsaan nabadgalyadda iyo kooxaha argagixisadda sida Al shabaab iyo booko xaraam oo caadaystay weeraro joogto ah shacabka, waxa kale oo uu xusay MR. Chergui muhiimada ay leedahay horumarinta isgaadhsiinta isagoo ku tilmaamay Isgaadhsiinta inay kaalin weyn ka qaadan karto la dagaalanka iyo ka hortagista kooxaha argaagixisadda ah.
Shirkan oo laba maalimood ka socday magaaladda Djibouti ayaa la soo gabagabeeyey maalintii shalay waxaana natiijadii ka soo baxday laysku af-gartay dhawr qodob oo ay ka mid yihiin:
- Hirgelinta naqshadeynta dhamaystiran oo ah khataraha ammaanka ee waajahaya gobolka;
- In la qaado tallaabooyin la taaban karo si loo xoojiyo iskaashiga ammaanka ee dhinacyada iskaashiga iyo isu gudbinta macluumaadka ee la xidhidha hawlahaas, iyadoo laga faa’iidaysanayo khubarada gobolada kale, oo ay ku jiraan geedi socodka Nouakchott,
- bilowga hanaanka fududaynaya aqoonsiga baahiyaha lana xoojiyo qaabdhismeedka awoodda iyo beekhaaminta khayraadka iyo
- isku xidhka iyo xoojiinta dedaallada loo fidinayo wadamada Afrikaanka ah ee gobolka, oo ay ku jiraan AMISOM sidii ay uu heli lahayd isla markaaba xogta rasmiga ah una fududaynaysa hawlahooda milateri ee ay ka wadaan Somalia.