Guddida Horumarinta Beesha Sacad Muuse Soo Dhaweeysay Isku Shaandhaynta Sahayatay Samaale, Wasiir Samsam-na Ku Bogaadiyay Xiilka Cusub Wasaaradda Maaliyadda

0
342

15886_909962192382809_8116435194055351902_n

Hargeysa, Somaliland – Guddida horumarinta Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale, ayaa soo dhaweeyay Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo Golihiisa Xukumadda isugu shaandheeyay, waxayna si gaar ah u soo dhaweeyeen Magacaabista Wasiir Samsam Cabdi Aadan ee loo dhiibay Wasaaradda Maaliyaddda.

Bayaankan guddida ka soo baxay ayaa lagu barbar istagay Madaxweynaha iyo isku shaandhayntiisa, waana Guddidii u horaysay ee hanaan beeleed ku bogaadisa Madaxweynaha.

Guddidan ayaa hore ula kala safatay Labada Siyaasi ee Beesha ka soo wada jeeda ee Cabdicasiis Samaale iyo Muuse Biixi Cabdi, waxaana wakhtigaasi la dareemay in Guddidu gacan saar la leedahay Muuse Biixi kadib markii Magacaabis muran keentay loogu cumaamaday Muuse Biixi inuu yahay Musharaxa Beesha ee Musharaxa madaxweynaha Kulmiye marka Siilaanyo dhamaysto.

Bogaadinta Beesha Cabdicasiis Samaale ka soo jeedo ayaa imanaysa xilli uu ka cadhooday xilka wasiirka Wasaaradda waxbarashada ee loo bedelay. waxa uu sheegay inuu xilkaasi diidan yahay islamarkaana aanu Xukumadda Kulmiye xil dambe ka qaban doonin.