Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, Taliyeyaal Ciidan, wasiir ku-xigeenno iyo Agaasimayaal Guud, halka uu sidoo kale isku-beddel ku sameeyey Xubnaha ugu tunka waaweyn xukuumaddiisa.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed caawa xilli dambe ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidoo kale xilal u magacaabay masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay xukuumadiisa iyo qaar ku cusub saaxadda siyaasadda.
Sida lagu war-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada, waxa uu madaxweyne Siilaanyo xilalka ay Qaranka u hayeen ka qaaday Wasiirradii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha Xuseen Axmed Cabdille, Wasiir ku-xigeenkii Xannaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle. Waxa kale oo madaxweynuhu xilalkii ay hayeen ka qaaday Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaaladda Badda General, Axmed Aw Cismaan Cabdi, Abbaanduulihii Hore ee Ciidanka Qaranka, Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Calas iyo sidoo kale Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh) iyo Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sh. Muuse Ducaale.
ISKU-BEDDEL IYO MAGACAABIS
Madaxweynuhu waxa uu xilalkii ay hayeen ka beddelay Wasiirradii hore ee wasaaradaha Xannaanada Cabdi Aw-Daahir inuu noqdo Wasiirka cusub ee wasaaradda Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Madaxweynuhu waxa uu digreetadiisa ku sheegay:-
– In Mudane, Cali Siciid Raygal, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Dhalinyarada iyo Cayaaraha)
– In Mudane, Axmed Cabdi Kaahin, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
– In Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Maaliyada)
– In Marwo, Samsam Cabdi Aaden, ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (hore W/Waxbarashada).
In Mudane, Baashe Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
Wasiir ku-xigeennada laysku beddelay iyo kuwa Cusub
Madaxweynuhu waxa uu isku-beddel ku sameeyey Wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha qaarkood, halka uu sidoo kale magacaabay Wasiir kux-geenno Cusub.
war-saxaafadeedka xambaarsan digreetada madaxweynaha, waxa lagu sheegay:
-In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Cismaan Garaad Soofe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Axmed Maxamed Nuur (Indha-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Cabdikariim Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Cali Maxamed Cilmi (Gadh-dheer), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Marwo, Shukri Xariir Ismaaciil, ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Marwo, Nimco Xuseen Qawdhan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Jaamac Cabdilaahi Biin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland
-In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
Taliyeyaasha Ciidamada
Taliyhii hore ee Ciidamada Asluubta Somaliland General Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta.
– In General Maxamed Cismaan Xudhuun, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Jamhuuriyadda Somaliland
– In Mudane, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
– In Mudane, Mawliid Weris Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee JSL
– In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland
– In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
– In Mudane, Xasan Aadan Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
– In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland
LIISKA HAY’ADAHA MADAXA BANAAN
Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda u magacaabay Maxamed Mixile Boqorre, Halka uu sidoo kale Maareeyaha hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) uu u magacaabay Siciid Xasan Cabdilaahi.
LIISKA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL
Madaxweynuhu waxa la-taliyihiiisa Arrimaha Dibadda u magacaabay badhasaabkii hore ee gobolka Awdal, Cabdoo Axmed Aayir, halka uu sidoo kale Maxamed Ibraahim Qabo u magacaabo inuu noqdo La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka.