Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Safiirka Maraykanku U Soo Magacaabay Somaaliya

0
438

Hargeysa, Somaliand – wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay soo dhoweynayo safiirka cusub ee Maraykanku usoo magacaabay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inay safiirka ka dhaadhicin doonaan qadiyadda Somalialnd, isla markaana iskaashi fiican la yeelan doonaan si wadankiisa uga waramay Somaliland iyo waxay tahay.

“Safiirkaasi Maraykanka waanu soo dhoweynayaa, cilaaqaad wanaagsana waanu la yeelan doonaa, waxaana uga warami doonaa Somaliland iyo qadiyadeedda, Somaliland caalamku wuu ka dharagsan yahay inay tahay dal ka gooni ah Soomaaliya, isla markaana beesha caalamka ka sugaysa aqoonsi, marka anagu xidhiidh fiican baanu la yeelan doonna”ayuu yidhi wasiir Biixi.

Maraykanka ayaa u soo magacaabay Soomaaliya safiirka Katherine S. Danani oo noqonaysa tii ugu horreysay oo Soomaaliya loosoo magacaabo muddo 24-sano ka badan.

Sidoo kale, waxaanu wax ka waydiinay kulankii Cali Khaliif Galaydh la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu ku tilmaamay wax aan samayn ku yeelan Karin Somaliland, isla markaana wax weyn oo la buunbuuniya meesha ku jirin.

Isagoo jeclaysan in aanu arrimahaasi wax badan ka odhaneen, isla markaana warbaahinta usoo jeediyey in arrimahaasi la buun buunin, isagoo Cali khaliif Galaydh ku tilmaamay nin daala dhacaya.

Cali khaliif Galaydh oo mudaddii u dambaysay ku sugna Muqdisho ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu ula kulmi lahaa madxweynaha Soomaaliya, haseyeeshee ilaa hadda wax war oo ka soo baxay dawlada Soomaaliya oo ku saabsan kulankaasi ma jiro, marka laga reebo sawiro uu la gallay.