HARGEYSA (CH)- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, ayaa sheegtay inay kooxo isugu jira dhakhaatiirta caafimaadka Xoolaha u kala dirtay deegaamo ku teedsan Xeebaha Galbeed ee dalka, kuwaas oo la sheegay inay ka dillaaceen xannuunno dadweynaha deegaanku ku sheegeen inaanay noocooda hore u arag oo ku dhacay Xoolaha, gaar ahaan adhiga.
Xoolo-dhaqatada ku dhaqan deegaannada Lughayaha, Cabdi Geeddi, Ceel-Sheekh iyo Bullaxaar oo ka kala tirsan gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil, ayaa sheegay inay deegaamadooda ka dillaaceen xanuunno aanay bulshada xoolo-dhaqada ee dhulka xeebaha ku nooli hore arag noocooda, kuwaas oo ku dhacay Adhiga, gaar ahaan Riyaha, iyaga oo sheegay inay xannuunadan u dhinteen xoolo-tiro badan, waxaanay wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka Xoolaha ee dalka u sugan ka codsadeen inay la soo gaadhaan gurmad deg-deg ah oo xoolahooda lagu bad-baadiyo.
“Waa xanuun khatar ah oo laynaya adhiga waliba ugu sii daran Riyaha. Neefku marka u horraysa wuxu keenayaa Saxaro, kadibna neefka maalmo gudahood ayuu hilibka ka idlaynayaa, woxoogaa markuu dugdug leeyana wuu u dhimanayaa xanuunkaa neefku. Dhammaan deegaannada xeebta intooda badan waa xanuun ku wada dhacay xoolaha, laga soo bilaabo Ceelsheekh, Biyo-cas, Cabdi-geedi, Hadayda, Carro-tuulka, Jilbawga, illaa Xabawga dhammaan dooxyadaa oo deegaanada iyo dooxooyinka ka soo korreeya ama xagga bari kaga toosan Lughaya wuu wada gaadhay xanuunkani,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha ku dhaqan deegaannada Xannunkani ka dhacay oo la hadlay warbaahinta.
Haddaba, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr.Jaamac Maxamed Odowaa oo wariye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka telefoonka xalay wax kaga weydiiyey waxa ay wasaarad ahaan kala socdaan Xannuunada dadka xoolo-dhaqatada ahi ka soo qayb-galiyeen, ayaa xaqiijiyey inay jiraan xannuunno laga soo sheegay deegaannada Bullaxaar iyo kuwa ku teedsan Xeebta Galbeed ee dalka, waxaanu sheegay inay ka hawl-galaan oo tiimam ka tiirsan dhakhaatiirta xoolaha u direen, kuwaas oo xilligan ku maqan deegaannada isla markaana laga sugayo warbixinta iyo natiijada uga soo baxda baadhitanno ay dhakhaatiirtu ku samaynayaan Xannuunadaas.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xooluhu waxa uu sheegay in wasaaraddu kooxo dhakhaatiir ah oo qaabilsan gurmadka deg-deg ah ee xoolaha loo diray deegaannada hoos-yimaadda degmada Bulaxaar Isniintii Dorraad
“Bullaxaar oo Saaxil ka tirsan dorraad (Isniintii) ayaa loo diray kooxo gaadiidka gurmadka ee xoolaha. Isu-duwaha gobolka, ayaanu amarnay inuu deegaankaas tago,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.
Dr Jaamac Maxamed Odowaa oo la weydiiyey haddii ay ka war-hayaan iyo sida ay uga hawl-galeen deegaannada Xeebaha Galbeedka oo xannuunnada oo laga soo sheegay, waxa uu ku jawaabay, “Warkaasi wuu nasoo gaadhay, arrintaasna waa lagu jiraa. Waxa ay xannuunadani yihiinnada marka dhiigga laga soo qaado oo la baadho ayuunbaa la sheegi karaa, inta ka horeysa waa tuhun uun. Dhakhaatiirtu iyagaa xaqiijin doona markay la soo noqdaan ee shaybaadhka la yimaaddaan,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha Somaliland waxa uu sheegay in kooxo dhakhaatiir xoolaha Caafimaadka iyo hawl-wadeennada gurmadka deg-degga ah ay u kala direen deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada Galbeedka dalka iyo deegaamo ka tirsan Bariga iyo Koonfurta gobolka Saaxil.
Degmooyinka Dilla iyo Baki ee gobolka Awdal, ayaa hore loogu arkay xannuunno ka dillaacay oo xoolo tiradan u dhinteen, haseyeeshee wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa sheegtay in xoolo laga keenay deegaanno kale oo hay’adaha gar-gaarku u qeybiyeen xoolo-dhaqatada deegaanadaas ay sababeen in cudurradaasi dillaacaan. Balse ay wasaarad ahaan ka hawl-galeen isla markaana dhakhaatiirta xoolaha u direen deegaannadaas.