Hargeysa (CH)- Hawl-wadeenada Dab-damiska Dawladda Hoose ee Hargeysa oo kaashanaya dadweynaha, ayaa ku guulaystay Deminta Dab ka kacay Guriga Xisbiga oo ku yaala Suuqa Gobanimo, halkaas oo ay deggen yihiin qoysas ku dhaqan iyo Meherado ganacsi oo ka furan.
Dabka oo ahaa mid Kooban ayaa ka kacay meelo ganacsi oo dad danyar ahi leeyihiin, waxaana lagu guulaystay in la bakhtiiyo Dabka ka hore intii aanu ku fidin Suuqa Gobanimo oo ah Suuqa Labaad ee ugu ballaadhan magaalada Hargeysa isla markaana ay taalo Hantida Boqolaal Milyan oo Dollar oo Ganacsatada dalku leeyihiin.
Dadweynaha ku ganacsada Suuqa Gobonimo, ayaa Gurmad xooggan ka sameeyey sidii loo demin lahaa Dabka ka hor intii aanay goobta soo gaadhin dab-demiska iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose, iyaga oo ka cabsi qabay in dabku ku fido Meheradahooda.
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris Cabdillaahi oo goobta dabku ka kacay gaadhday, ayaa saxaafadda u sheegay inaan dabka ka dhalan Khasaare Nafeed balse wixii khasaare Maaliyadeed ah ay sheegi doonaan marka la qiimeeyo.
HALKAN KA DAAWO WARKA
Codkahargeysa.com
Hargeysa News Desk