Madaxweyne Siilaanyo oo kormeeray Xarunta Hubinta Tayada Shidaalka ee Haamaha shidaalka Berbera

0
409

Berbera (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Silaanyo oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Berbera, ayaa maanta kormeer ku maray haamaha shidaalka Berbera, ka hor intii aanu u soo anba-bixin dhinaca magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka.

Madaxweynaha waxa xarunt aHaamaha keydka Shidaalka ku qaabilay Maareeye Saleebaan Siciid aw-Cali oo madaxweynaha sharraxaad ka siiyey mashaariic bil ka hor Md Siilaanyo dhagax-dhigay oo hawshoodu socoto, kaas oo ah Laab ama shaybaadh Casri ah oo loogu talo-galay in lagu hubiyo tayada shidaalka la keeno dalka, waxaanu maareeyuhu halkaas ka sheegay inay mashruucan la kaashadeen shirkado ka shaqeeya waddamada Kenya iyo Djibouti.

DSC_0125Madaxweyne Siilanayo oo isagun halkaas ka hadlay, ayaa maamulka maamulka Haamaha Shidaalka ku hambaleeyey hawlaha ay u xil-saaran yihiin, waxaanu boorriyey inay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Kormeerka Haamaha Shidaalka kaddib, waxa uu madaxweynaha iyo weftigiisa u soo amba-baxeen dhinaca magaalada Hargeysa oo ay soo gaadheen galabta, waxaana jidadka caasimadda ku soo dhaweeyey dadweyne tiro-badan.