- Dadka Iyo Ganacsiga Xaniban Iyo Xaalada Ka Sii Daraysa
Lawyo Caddo, Somaliland – Illaa sodomeeye qof oo reer Jabuuti ah ayaa ku xaniban xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti kadib marki xadka ay xidhatay dawladda Jabuuti.
Sidoo kale, Caanihii ay dadka reer miyiga ah ee dhanka Xuduudda Somaliland degan ayaa cunaqabteyni la soo daristay, maadaama caanihii ay galin jireen Jabuuti loo diiday, iyadoon hore u dhici jirin in caanaha iyo Roodhidda ka timaadda Jabuuti la xanibo.
Dad ku nool Lawyo-caddo oo wargeyska Saxafi la soo xidhiidhay ayaa sheegay inay dhibaato weyn kala kulmeen xuduudda xidhan, maadaama ganacsiga iyo cuntooyinku uga iman jireen dhinaca Jabuuti, halka reer Miyiyga xuduudda ku teedsan ay caanaha geyn jireen Jabuuti, haseyeeshee shanti cisho ee xadku xidhan yahay caanihii yaalaan xadka labadda dal. “Horta waxa cajiib ah in gudoomiyihi gobolkuna wakhtiga uu doono gallo Jabuuti , isla markaana uu maantadan u dambeeyey uu galayey Jabuuti oo uu iska joogay hadana dadkii masaakiinta ahaana ku dhibaatooddaan xadka, dadka halkan jooga waa dadkii sitay sharciga oo loo diiday inay galaan markiii ay gali kari waayeen ayey dhankeena u soo noqdeen, waxa jirta in dadkii reer miyiga ahaa ee Caanaha geyn jiray ay iyaga iyo caanahoodiiba xadka meeraysanayaan oo khasaare badan kala kulmeen xadkaasi xidhan”ayuu yidhi muwaadin jooga Lawyacaddo oo khadka telefoonka ugu waramayey wargeyska Saxafi.
Haseyeeshee wuxuu sheegay in Roodhaddii xaga Somaliland usoo gudbi jirtay lagu soo galiyey gaadhi gacan isla markaana hadda la helo Roodhidda balse aanay Caanihii xagga Somaliland ka gali jiray ay wali xaniban yihiin.
Dadweynaha ku dhaqan gobolka Selel ayaa dhaliilay gudoomiyaha gobolkaasi, kuwaas oo sheegay inuu dantiisa ka horaysiiyo xilka uu umada u hayo, waxaanay sheegeen in inta badan uu Jabuuti ku maqan yahay.
Shanti cisho ee u dambeeyey ayaa gabi ahaanba Jabuuti xidhay xadkeedda. Tan ka sokow labaddii sanadood ee u dambeeyey Jabuuti xadkeeda marna waa ay xidhaysay marna waa ay furaysay, iyadoo inta badan xukuumadda Somaliland aanay waxba ka qaban ama aanay cadaadis ku saarin sababta Jabuuti siday doonto uga yeelayso xadkeedda.