Qof kasta oo dunida korkeeda jooga waxa uu leeyahay awoodo cayiman kuwaas oo eebbe ku galladay, Awoodahaas Bani’aadamku waxa ay uga faa’iidaystaan inta badan hawsha ay gudanayaan ama galayaan.
Sida dad badani ay ogyihiin waxaa dhulkan ka jiri jiray nolol ku dhisan ilbaxnnimo iyo xaddaarad ka soo jeeday habdhaqankii bulshada soomaalilaada,
Nolosha dadka ee xilligaas inteeda badani miyaga ayay taalay, waxaana ay ahayd mid ku tiirsan xoolaha nool iyo raxmaadka eebbe, Fikirku waa dabeecad qofku inta uu noolyahay uu nolosha ku hago, dhaqdhaqaaqa iyo ficillada ay aabbeyaasheen ama awooweyaasheen samayn jireenna waxa ay ahaayeen kuwo ka turjumaya gudashada waajibaadka nololeed ee la gudboon,
Baahida shakhsiga ah ee weliba dhiirran isla markaana kakan ee hunguriga ah waa laga xishoon jiray, quudka sabab la’aan lama raadin jirin, hadii laga fursan waayo si anshax iyo alsuub leh oo lays la yaqaan ayuu qofku ku raadin jiray.
waxyaabaha in la xuso mudan ee soomaalida dhexdeeda ku duugoobay waxa aan ka soo qaadanayaa Tusaale kooban oo ku dayasho mudan.
waxa dhici jirtay ama ka dhexaysay bulshada soomaalida “wax isku qirid” hadduu yahay Aftahan, geesi, caddaali, garyaqaan, guurti, waxgarad, fariid mid kasta intiisa waa loo sheegi jiray, waana laysu sheegi jiray, waana laga badheedhi jiray oo xaqiiqada lagama gabban jirin.
Xilligan dunida waxa hadheeyay dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay xasilooni darro, Cunto yaraan iyo baahi sal balaadh ah, taas oo saamayn ballaadhan ku yeelatay noloshii iyo habdhaqankii suubbanaa ee bulshadeena, Marka aad u fiirsato bulshadeenna oo asal ahaan iyo taariikh ahaan ba gobannimada ku xarragoon jirtay waxa aad mooddaa fagaarayaashii iyo goobihii lagu kulmi jiray laguna qiimayn jiray ragannimada in ay ku soo bateen rag dedaalaya oo dedaalkoodu ku tiirsan yahay hunguri, aan lagu ladhin xishood, oo dadnnimadii halmaamay, noloshooda iyo awooddooduna ay noqotay, “Nafta dooji mooye xarrago, laga dawaarree”
Hadda ba Xirsi Cali Xaaji Xasan noloshiisa adduunyo oo tii asalka ahayd ee quruxda badnayd ahi waxa ay ku soo aaddey dadkiisii oo ku sugan xaalad sidaas ah inkasta oo uu ku guulaystay boqolkiiba boqol 100% in uu magaciisa ka kooban shanta eray uu gaadhsiiyo hareeraha dunida maanta, sidoo kalena waxa uu si toos ah uga dhex ifayaa siyaasada dalka soomaalilaand,
Xirsi waa ina Cali Xaaji Xasan, xilligan la joogo ee 2015-kana waa masuul qaran, waxa uu Wasiir ka yahay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Dalka hoggaamisa,
Tan iyo markii uu Saaxadda siyaasadda soo galay ilaa maanta oo uu yahay Wasiirka Madaxtooyada Soomaalilaand, waxa uu u muuqdaa nin mahadiyay ama ay mahadiyeen bulshadu gudashada xilkiisa,
Ugu danbayntii Wasiir Xirsi rag tiro badan oo siyaasiyiin ah ayay wax badan ku kala duwan yihiin, sababta oo ah waa siyaasi ballanta ku adag, han fog leh, hiyi durugsan leh, himilo dheer leh. dood leh oo deeq leh dadka yaqaannaana ay ka wada arkaan. shiqsiyaadka had iyo gooraale dhalliilaa waxa hubaal ah in ay u badanyihiin kuwo aan ninkaas la macaamilin oo dano gaar ahaaneed leh ama doonaya in uu hantida ummadda yaga ku qaboojiyo. waxa aan ku tilmaami karaa Masuulka keli ah ee ummadda shaqadeeda u heellan, horumariya, waxqabta isaga oo adeegsanaya kartidiisa dedaalkiisa iyo haleel badnnaantiisa.
Cabdisatar Cabdilaahi Cali “Sabri”
Burco/Somaliland