War Deg Deg: “Boob Xooggan Oo Caawa Ilaa Galabta Kasocday Magaalada Cape Town Oo Somali Badan Lagu Dhawacay

0
345

Cape Town (CH)- Inta La ogyahay ee ilaa iyo Haatan La Xaqiijiyay Waxaa Lagacan Mariyay oo gabi ahaanba La Boobay inkabadan 53 Dukaan oo dhamaantood ay Lahaayeen Soomaalida Ku dhaqan wadankaan k/Afrika gaar ahan Magaalada cape town.

capetown-view_1797_600x450

Kuwaasi oo ku Kala Yaaalo Deegaano hoos Yimado Cape town oo lagu Tilmaamo inay Joogaan Soomaalida ugu Tirada Badan ee Qurba Jooga Ku ah Wadankaan Konfur Africa.

Falalkaan ayaa Kusoo aadaayo Waqti Wadanka Koonfur Afrika ay Ka jiraan Banaanbaxyo Dadka kunool Tuuloyinka Ay oga Cabanayaan in dowlada Ka gaabisay adeegyada aasaasiga ah  Sida Mushaar Kordhin, Korontada Iyo Biyogalinta.

Daah Furka dhibaatadaan ayaa  kasoo bilaabatay  Xaafada Bellville Markii Kumanaan banaaanbaxayaal ay ku soo qamaameen Dukaan ay soomaali kuleedahay xaafada bellville ee katirsan magaalada cape town iyadoo lasheegayna in somaalida halkaasi kusugneyd ay gacanta is qabsadeen iskana dhacsheen.

Ayadoo ay Taas Taagantahay oo dhibaatadii Ka dhalatay umuurtaas aanan Xal Laga Gaarin ayaa Deegaanka philipi  Waxaa Ka dhacay Fal Dil ah oo ay geesteen niman ethiopian ah iyagoo dilay naag xhosa madow ah oo udhalatay wadanka konfur africa, Waxay arintaas Sabab u noqotay Boob Loo Gaystay Dukaaman Kor Udhaafaya Ilaa 53 dukaan oo Kuyaalay xaafadasi philipi iyadoo somalida halkaasi ku dhaqneed ay ilaa caawadan ay ku jiraan daldalid ay so daldalayaan alaabta dukaanka tiilay.

War iyo waxii kusoo kardhana wararkayaga qeebta danbe ayaan idiinkula soo socod siin doona inshallah