DAWO: “DOORASHADA SOO SOCOTA XIRSI UU U SII MIDIYO LISANAYAA, AXMED SIILAANYO ANAGU WAXAAN LEENAHAY XIRSI OO KU WASIIRA IYO 26 JUUNE AYAY INOO TAHAY.” CALI-GUREY

0
407

Hargeysa, Somaliland – Guddoomiye Kuxigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa si adag ugu jawaabay Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shalay sheegay haddii ay doorashadu 26 juune 2015-ka ku qabsoomi waydo ma jiro nin suur afuufaya, isla markaana hanjabaad iyo handidaad kursiga kaga tagi mayno.

Cali-Gurey waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta shirjaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Kuxigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa waxa uu yidhi “Doorashada soo socota Xirsi uu u sii midiyo lisanayaa, dhiigi hore ee uu faraha u geliyay, iyo ka danbe ee haddii uu sii joogo faraha u gelin doono waynu u wada joogi doonaa.Axmed Siilaanyo anagu waxaan leenahay Xirsi Oo Ku Wasiira iyo 26 Juune ayay inoo tahay, anigu inanka yar (Wasiir Xirsi) la hadli-maayo”.

HALKAN HOOSE KA DAWO: