Berbera, Somaliland – Maayarka magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa sheegay in sannadkan qorshahooda ku jirto inay bulshada u soo bandhigaan shuruucda iyo siyaasadda lagaga hawl-geli doono xeebta lagu dabaasho ee Batalaale ee magaalada Berbera, taas oo dadka u kala tilmaami doonta meelaha halista ah ee aanay ku dabaalan karin iyo qaybaha kala duwan ee dadka rag iyo dumar loogu kala qoondeeyay. Sidoo kalena waxa uu sheegay Maayarka Berbera in la samayn doono koox ka hawl-gasha gurmadka iyo ammaanka Xeebta Batalaale ee magaalada Berbera.
Maayar Cabdishakuur Cidin sidan ku sheegay wareysi kooban oo aanu maalintii dorraad xafiiskiisa kula yeesheen weriyeyaal ka socday Wargeyska Saxafi iyo Telefiishanka HCTV, kaas oo uu sidoo kalena kaga waramay qorshayaasha golihiisa u qorshaysan inay sannadkan ka qabtaan Berbera iyo xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo xildhibaanada golihiisa deegaanka.
Cabdishakuur Cidin oo ugu horeyn ka jawaabaya waxyaabaha sannadkan u qorsheysan inay Berbera ka qabtaan ayaa yidhi: “Sannad kasta qorshe ayuu leeyahay oo uu ku socdaa, kaas oo saddex bilood ah. Markaa saddex biloodka u horeeya mashaariicda ugu horeeyaa waxa ka mid ah waddada weyn ee siddeeda Km ah ee badhtanka magaalada oo aanu asphalt dhigayno oo ilaa afar Km dhamaadeen, saddex biloodkaas u horeeya ayuu qorshuhu yahay in mashruucaasi noo dhammaad. Laakii mashaariicda sannadkan noo qorshaysan way badan yihiin, waxaa ka mid ah afar garoon oo kuwo kubadeed ah, Terminal station ayaa ka mid ah oo ah wax cusub oo dalka lagu soo kordhiyay. Waddadan weyn oo saddex biloodka dambe ay noo qorsheynsan tahay in dhinacyadii dadku marayeen loo sameeyo. Dib u dhiska Sariibadda weyn ee guryihii hore ee dawladda hoose lahayd baa ka mid ah. Center Burco-Sheekh oo la duminayo dibna loo dhisayo ayaa ka mid ah. Biijka Batalaale oo Iyana laga shaqeyn doono oo aanu filayno inay noqon doonto meel qurux badan oo dalxiisayaasha soo jiidan doonta.”
Mar la weydiiyay sida uu yahay Xidhiidhka u dhexeeya Xildhibaanada Golaha deegaanka Berbera iyo in wakhtigan uu jiro khilaaf huursan, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi: “Nolosha bina aadamku sideedaba waa khilaaf u joog, subax kasta qofna wuu taajiraa, mid kalena wuu faqiiraa, midna wuu dhintaa midna wuu dhashaa. Lama odhan karo khilaaf ma jiro, laakiin khilaafna waa mid la maareeyo oo laysku qabto shaqada, oo sidaas iyo sidaas u hagaaji ah, midna waa mid had iyo goor tartan loo galo kursiga Maayarka oo lagu dagaalmo. Kolay Somaliland waxaanu nahay golaha deegaanka ee ugu degan, ee dadkooda iyo deegaankoodana horumar ballaadhan ku sameeyay, waxaana sababay baan odhan karaa horumarkan hana-qaadka kursi jacayl ayaan meesha oolin. Markaa maadaama oo aanu kursi-jacayl oolin, guddoomiyahooduna wuxuu ku hagaa siyaasad hufan, taas oo ah in wixii golaha ka soo baxa uu ku shaqeeyo guddoomiyuhu. Markaa golaha deegaanka Berbera aad baan ugu mahadcelinayaa, waanan ku faanayaa, waa gole aad u degan oo aamusan (silent) waana golihii na doortay, adduunkana maanta wax la qariyaa ma jiraan, wax dhibaato ah oo ilaa heer gobol ah oo hadda jiraa ma jiro. “
Ugu dambayn waxa uu Maayarka Berbera sheegay inay wax ka bedel ku sameeyeen shaqada maalinlaha ah ee Xafiisyada dawladda hoose ee Berbera, isagoo xusay in laga bilaabo 7:00 ilaa 9:00 subaxnimo ay ugu talo-galeen dadka shacabka ahi la kulmaan masuuliyiinta dawladda hoose, iyadoo qof kasta la siinayo kaadh loogu qorayo cidda uu doonayo inuu la kulmo iyadoo aan loo kala eegayn faqiir, taajir, ganacsade, masuul, iwm, wakhtiga inta kalena ay hawlaha kale ee ay bulshada u hayaan ay qabtaan. Taasina ay keentay in ay fududaato dadkii u baahnaa inay masuuliyiintooda la kulmaan.
Codkahargeysa.com
Berbera Anchor