Berbera, Somaliland – Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland, Sacad Cali Shire oo ka mid ah wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siillaanyo oo hadda ku sugan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa shalay la kulmay qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee dadweynaha reer Berbera.
Kulankan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Berbera, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin iyo Xoghayaha dawladda Hoose ee Berbera, ayaa ku saabsanaa maadaama wasiirku ka soo jeedo gobolka Saaxil inuu dadweynaha ka qanciyo dareeno ay ka qabaan maalgelinta la sheegay in ay shirkado caalami ahi ku samaynayaan Dekedda Berbera, wareejintii Wershadda Laydhka Berbera iyo arrimo kale oo la mid ah.
Dadweynaha kulankaas ka qayb-galay si toos ah su’aalo u weydiinayey wasiirka, kaas oo isaguna si faahfaahsan uga jawaabayay.
Inta badan su’aalaha kulankaas lagu weydiiyay oo uu badnaa tabashada ay dadka deegaanka Berbera ka tirsanayaan xukuumadda Somaliland, iyagoo si gaar ah diiradda ugu saaray maalgelinta dhawaanahan dambe la sheegay inay shirkaddo caalami ahi doonayaan inay ku sameeyaan dekedda Berbera.
Inkastoo aan kulankaas warbaahinta loo ogoleyn, haddana sida ay dad goob-joog ahi u sheegeen Saxafi, waxaa su’aalaha la weydiiyay wasiirka ee uu isaguna jawaabay ku saabsanayd in dadka reer Berbera shaki kaga jiro in heshiiska shirkadda doonaysa inay dekedda ku samayso, isla markaana uu heshiiskani la mid noqdo si la mid ah kuwii hore ee Total iyo shirkadihii kale ee Baadhis Shidaalka, iyadoo sidoo kalena aanay helin cid xog rasmi ah ka siisa nooca heshiiska maalgelintu yahay, sidaas darteed aanay u cuntamayn in heshiis kuwaas hore oo kale la mid ah uu ku dhaco dekedda iyo meelaha kale ee adeegyada dadweynaha.
Wasiirka Qorsheynta ayaa isagu su’aalahaas waxa kaga jawaabay in marka ay Somaliland tahay, iyo hadday tahay Berbera-ba loo baahan yahay maal-gelin lagu horumariyo. “Laydhka hadday noqoto maalgelin lagu horumariyo ayuu u baahan yahay sidii loo heli lahaa laydh jaban, Berberina baahida ay u qabto laydh jaban inay hesho waa mid ay dheertahay dalka intiisa kale. Sidoo kale biyuhuna waxay u baahan yihiin in maalgelin lagu horumariyo. Haamaha Keydka Shidaalku waxay u baahan yihiin la horumariyo oo la helo keyd intan ka badan oo awood inoo siin kara inay meelo kale shidaal u sii gudbin karno. Dekedduna kuwaas oo kale ayay la mid tahay oo waxaynu u baahannahay in dekeddeenii ay horumarino oo intan ka ballaadhino. Dabcan shirkadda maalgelinta ku samaynaysaan ama laba boqol milyan ha geliso ama mid ka badanba ha geliso’e waa macaash doon, sidaas si la mid ahna inaguna macaash doon baynu nahay. Markaa in aynu horumarino dekedda iyo meelo kaleba waa mid aynu u baahannahay. Tan dekedda Berbera, haddaan ka hadlo ma jiro cid ama shirkad lala saxeexday heshiis oo qallinka lagu duugay, laakiin way jiraan shirkaddo doonaya inay maalgelin ku sameeyaan, markaa maadaama aynaan aqoon u lahayn heshiisyada noocaas ah waxaa dalbanay khubarro soo derista kadibna warbixin inaga siisa.”
Sidoo kale su’aalihii dadweynuhu wasiirka weydiiyeen waxaa ka mid ahayd in Madaxweyne Siillaanyo safaradda ugu ee uu ku tago gobolada dalka marka laga reebo Hargeysa uu ku tago Berbera oo ah xarunta gobolka Saaxil, hase yeeshee safarradaas oo dhan aanu midna la kulmin odayaasha reer Saaxil, goleyaashooda deegaanka iyo madax-dhaqameedkaba, ilaa haddana aanay dhicin imikana ay ka shakisan yihiin in safarkan uu hadda ku joogo Berbera uu la mid yahay kuwii hore oo isagoo aan cidna odayaasha kala kulmin uu dib u laaban doono, sidaas darteedna aanay garan karayn sababta taasi u dhacday, waxaanu wasiirku taas kaga jawaabay in uu ka hawl-geli doono isla markaana ballan odayaasha uga soo samayn doono Madaxweynaha.
Kulankan oo saacado qaatay ayaa soo shaac-saaray iska war-hayn la’aan u dhexaysa dadweynaha reer Berbera iyo dawladda, gaar ahaan xogta ku saabsan heshiisyada maalgelineed ee la warinayo in shirkado caalami ahi ku doonayaan inay ku maalgeliyaan dekedda Berbera.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI