Rag Iyagoo Hubaysan Weeraray Labada Badhasaab Ee gobollada Awdal iyo Sanaag Oo La Sii Daayay Iyo Sababta Keentay

0
341

labada badhasaab ee la weerarayCeerigaabo, Somaliland – Wararka naga soo gaadhay magaaladda Ceerigaabo ayaa sheegaya in raggii hubaysnaa ee weerary labdda badhasaab ee goboladda Awdal iyo Sanaag la sii daayey.

Sii deynta raggan hubaysan iyo baabuurkii ay wateen ayaa sida ay wararku sheegaan ka dhalatay qoraal uu sameeyey Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) kaasoo uu ku sheegay inuu nimankaas saamaxay wax uu u haystaana aanay jirin.

“Arrinta nimankan lasii daayey waa jirtaa waxana qoraal soo sameeyey uu ku saamaxayo Ramaax oo sheegay in aanu waxba u haysan”. Sidaas ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Boliiska Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamjuud (Casayr).

Haseyeeshee Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fly oo xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay wargeyska Saxafi ayaa sheegay in aanu xog badan ka hayn arrintaasi, isla markaana wax faah-faahsan ka bixin Karin.

Badhasaabku waxa uu xusay inuu arrintaasi maqlay waxna ka ogyahay, balse aanu si rasmiya war u siin Karin warbaahinta illaa uu warkaasi faahfaahintiisa helayo.

Dhinaca kalena Warar kale ayaa sheegaya in arrintan si beelaysan ay uga kulmeen odayaal dhinaca raggan lasii daayey o iyo dhinaca badhasaabka Gobolka Awdal oo isagu raggan sida gaarka ah wax uga tirsanayey halkaasna uu ka dhashay heshiis beeleed sababay sii deynta raggani.

Si kastaba wax ha u jiraanne, ragan hubaysan ayaa dhowaan isku dayey inay wareeraaan labadan badhasaab, kuwaas oo ciidanka Boolisku ka soo gaadhay ka dib markii ay gaadhigii ay wateen ku hor qabteen baabuurkii ay wadda saarnaayeen labadda badhasaab, ka dib ragan la soo qabtay waxa loo taxaabay xabsiga magaaladda Sanaag oo ay ku jireen.

Codkahargeysa.com