“Looma Baahnayn in Amaah Lagula Kala Wareego Dawlada Hoose Ee Boorama” Badhasaabka Awdal

0
375

Boorama, Somaliland – Ka dib saddex bilood oo muran iyo jaahwareer maamul ka oognaa golaha Deegaanka magaalada Boorama ayaa aakhirataankii xoghayaha dawladda Hoose ee cusub dhawaantana loo soo magacaabay golahaasi xilkii kala wareegay xoghayihii hore.

Xaflad lagu qabtay hoolka dawladda Hoose ee magaaladfa Boorama isla markaana ay ka soo qayb-gaaleen Guddoomiyaha gobolka Awdal Ramaax, masuulyiinta golaha deegaanka deegaanka, xildhibaanadda, shaqaalaha dawladda hoose, madaxda laamaha kala duwan ee golahaasi dadweyne iyo marti sharaf kale ayaa khudbad badhsaabka cusub ee gobolka Awdal munaasabaddaasi ka jeediyey si kulul ugula dardaarmay masuulyiinta golahaasi iyo xildhibaanadiisaba, isagoo dhinaca kalena badhsaabku dib u dhaca hawlaha golahaasi dusha ka saaray dhammaan masuulyiinta iyo xildhibaanada isku haystay xarunta dawladda Hoose saddexdii bilood ee u dambaysay, waxana hadaladiisa ka mid ahaa. “Waxaa halkan lagula kala wareegayaa deyn, loomana baahnayn in maanta arrintaasi dhacdo. Dawladda Hoose ee Boorama dakhligeeda waxa lagu kabi jiray miisaaniyadda dawladihii dhexe xitaa tii afweyne, wax la qaadan karana maaha in shaqaalihii dawladda hoose saddex bilood mushaar waayaan, wakhti la bixinayana aan la ogeyn, siday ku dhacdayna hadday nagu kellifto waxaan keeni doonaa hanti-dhawr, cid gaar ah iyo shakhsi toona laguma eedeyn karo in dakhli gaadhi jiray 90 milyan Somaliland Shiling, uu maanta ku soo ururo 14 milyan Somaliland shiling ah. Dawladda wixii kab ah ee kaga xidhan waan u joogaa, wixiise ka xumaaday golaha waa in dib loo saxaa”.

Maayarka Boorama, Saleebaan Xassan Xaddi, xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka oo iyana munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sharaxay waxqabadkii xoghayaha xilka lagala wareegay Xasan Yuusuf Riiraash,isla markaana soo dhaweeyey xoghayaha cusub  ee dhawaanta loo soo magacaabay Muumin Xuseen Cige, waxaana ay u ballanqaadeen inay la shaqayn doonaan.