Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Oo Si Kulul Uga Hadlay Tacadiyo Iyo Gaboodfallo Ku Talogal Ah Oo Uu Tifaftiraha Waagacusub Ku Hayo Dadka U Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Haweenka Somaliland

0
424

Hargeysa (CH)- Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Geeska Afrika, ayaa si adag u cambaareeyey waxa ay ku tilmaameen gabbood-fallo ka dhan ah xuquuqda bani’aadamka oo mulkiilaha Website Waagacusub, Daahir Calasow, kula kacay Gabadh reer Somaliland ah oo u ololeysa Xuquuqda Haweenka, kaddib markii shabakadda lagu daabacay sawirkeeda oo sifo khaldan loogu adeegsaday war lagu baahiyey.

Warmurtiyeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Ilaalada Xuquuqda Aadamaha ee Geeska Afrika (Horn Watch), Saleebaan Ismaaciil Bullaale, ayaa lagu sheegay inaanay ahayn wax la yaraysan karo xad-gudubka suxufigaasi u geystay Nada Yuusuf Cumar oo sawirkeeda loo adeegsaday waraysi uu Daahir Calasow la yeeshay gabadh lagu sheegay inay tahay Haweenka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo lagu baahiyey barta Yutube-ka ee shabakadda Waagacusub.

10550928_10152516557333397_389933363764891948_nWar-murtiyeedkak Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha Geeska Afrika oo la soo gaadhsiiyey war-qabadka Codkahargeysa.com, ayaa u dhignaa sidan:- “Guddida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Africa oo magaciisa loo soo gaabiyo HORNWATCH, uma arko fal la yaraysan karo, weerarka ba’an ee lagu bartilmaameedsanayo xuquuqdii iyo xoriyadii aadaminimo ee muwaadinada Nada Yuusuf Cumar uu u damaanad qaaday dastuurka Somaliland iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqda Aadamahu (UDHR), ee lagu ayiday Axdiga UN Civil and Political Rights Covenant iyo Axidaga UN Social, Economical and Cultural Rights Covenant.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Africa waxay Nada Yuusuf Cumar u aqoonsan yihiin Cadceed ka soo dhex mudhay qaybaha bulshada Somaliland ugu nugul oo ah Haweenka maadaama ay yihiin aadamiga Somaliland ku uuman kuwa aqoon ahaan, dhaqaale ahaan, dhaqan ahaan, iyo qabyaalad ahaanba ugu dib dhacsan uguna liita. Dib u dhacyadaasi oo wehel uga dhigay in ay madiidin u noqdaan tacadiyo iyo xadgudubyo baahsan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Gabadha Nada Yuusuf Cumar lagu magacaabaa waa qoraa da’yar waa gabadh garashadeeda iyo fahamka balaadhan ee EEBE siiyay ugu adeegsata horumarinta dhinacyo badan oo ka mid ah duruufaha haweenkeenu la nool yihiin, isla markaasina ugu dooda xuquuqda haweenka iyo da’yarta dalku ay leeyihiin.

Nasiibarooyinka difaacayaasha xuquuqda haweenka Somaliland soo food saaray waxa ka mid ah Gaboodfalada Dahir Calasow oo ku nool dalka Holland oo uu dhalashadiisana haysto, isagoo asalkiisu ka soo jeeda Dalka Somalia, waxa uu joogtaystay weeraro toos ah oo uu la bartilmaameedsado Nada Yuusuf Omar, isagoo sawirkeeda u isticmaala marka uu tilmaamayo haweenka ka midka ah kooxaha diimeed ee ku dagaalamaya Somalia, sidoo kale Dahir Calasow waxa uu so dhigay mareegtiisa waagacusub sawirka Qoraaga da’da yar ee Nada Yuusuf Omar isagoo ku sheegay in ay tahay gabadhii 20 Feb. 2015 isku qarxisay Hotelka Cenral ee magaalada Muqdisho ee ku dishay in ka badan 28ka ruux kuna dhaawacantay in ka badan 50 ruux. Falalkan Gaboodfalada ah ee soo noqnoqday waxay Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Africa aaminsan yihiin in ay si toos ah halis u galiyeen xuquuqdii iyo xaqa nolosha, nabadgalyada, magacsamida iyo safarka/socdaalka ee Qoraaga da’da yar ee Nada Yuusuf Cumar.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Africa waxay ugu baaqaynaa Xukuumada Somaliland, in aanay ka aamusin xadguduyada lagu hayo muwaadinada da’da yar ee qoraaga ah Nada Yuusuf Cumar, sidoo kale waxanu ugu baaqaynaa in arintan ay ka hadlaan Xisbiyada Siyaasada Qaranka, ururada dhalinyarada Somaliland oo ay ku jirto Daladooda kulmisa ee SONYO iyo ururada bulashada rayidka ee Somaliland waa in ay ka hadleen dareenkooda ku aadan Gaboodfalada lagu hayo CADCEEDA u soo baxday haweenka Somaliland Qoraaga da’da yar Nada Yuusuf Omar, isla markaasina la socodsiisaan wadamada caalamka ee la dagaalama argagixsada, Qaramada Midoobay, AU, IGAD & EU iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda iyo xoriyadaha aadamiga.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Africa, dhibaatada dhinaca nolosha, nabadgalyada, sumcada iyo safarka ah ee sida ku talogalka ah loogu gaystay NADA YUUSUF CUMAR waxay la tashi siyaabaha sharciga caalamiga ah waafaqsan ee ururada xuquuqda aadamiga adduunku kaga jawaabi karaan kala samaynayaan ururo iyo qareeno caalami ah oo dhinca xuquuqda aadamiga ah.”