Berbera (CH)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha terminalka cusub iyo xayndaabka ee Madaarka Berbera.
Munaasibad si heersare ah loo agaasimay oo lagu furayey dhismahaasi ayaa waxa ka qayb galay Madaxweyne Siilaanyo, Marwada koobaad Marwo Aamina-waris Sh Maxamed Jirde, Wasiirada Duulista, Madaxtooyadda, Hawlaha Guud, Qorshaynta, Waxbarashada, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida, Maaamulka gobolka iyo ka degmada Berbera iyo Dublamaasiyiin ka socday safaradaha Yemen, Itoobiya Turkiga, Iyo marti sharaf tiro badan.
Munaasibaddaasi oo lagu qabtay qaybta soo dagayaasha ee dhismaha cusub ee Kuwait Terminal ee Madaarkaasi ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, waxana hadladiisii ka mid ahaa “ Mudane Madaxweyne sharaf weyn ayey ii tahay inaan kugu soo dhaweeyo dhamays tirka mashruucan weyn ee aanu ka hirgelinay madaarka Berbera, waxa xusid mudan taageerada dhaqaale ee uu ina siiyey Boqorka dalka Kuwait EEBBE ha xafidee, iyo sanduuqa Kuwait Fun, mashuurcan aanu maanta dhamaynay waxaanu bilownay sanadkii 2012-kii, maanta waxaynu dhamaanteen markhaati ka nahay in la xaqiijiyey himiladii dhismaha Terminalka iyo Xayndaabka madaarka.”
Maayarka Berbera Mudane Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa isaguna halkaasi ka hadlay oo yidhi “ waxaanu aad u soo dhamaynaynaa oo anaga dagmo ahaan muhiimad weyn noogu fadhiya, Dhimsha terminalka casriga ahi, ee inoogu hir galay ogolaanshaha Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaayo, gobolkani waa mid qani ah, waana mid hibooyin badan, Terminalkani wuxuu ka mid noqnayaa hibooyinka gobolka, sidoo kale waxaan xaqiijinayaa in Terminalkani uu ka qurux badan yahay kuwo ay leeyihiin wadamo badan oo Aqoonsi haysa, waxa kale oo aanu ku farax sanahay ka gobol ahaan dib u furida madaarka iyo Diyaaraha inoo soo noqday.”
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ ILAHAY ayaa ku mahad leh in hawshani ay inoo qabsoonto, iyadoo magaca Maxweynaha Somaliland-na uu ku suntan yahay, sidii kalena Mudane Madaxweyne Waxaan halkan hortaada ka soo jeedinayaa in shaaado sharaf Qaran la siiyo Wasiirka Duulista Mudane Maxamuud Xaashi oo hawshaas qabtay, oo runtii dhabar adayg weyn muujiyey.”
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr.Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Marka hore ILAHAY ayaa mahad oo dhan iska leh, sidoo kale waxa mahad san dawladda Kuwait oo mashaariicdan inagu taageertay, waxa kale oo xusid mudan shirkadii dhismahan hirgalisay aynu u mahad celino, waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan amaan, iyo bogaadinba ugu diro Wasaaradda Duulista Somaliland, gaar ahaan Wasiirka oo runtii intii uu joogay wax weyn ka qabtay Garoonadda dalka, Mudane Maxaweynaha munaasibadan aynu maanta halkan isugu nimid, ee furitaanka madaarkani, wuxuu leeyahay ahmiyad Gobol iyo mid Qaran, madaarkani wuxuu leeyahay saamayn maqaam iyo mid dhaqlaale, Mudne Madaxweyne Madaarku waa wajiga mudan, waana halkna qofka Ajinibka ah ee dalka soo galaa uu ka qaato fikirka wadankaas, waa halka hadii madaarku wanaagsan yahay, shaqaalaha ka shaqeeyaa ay tayo leeyihiin wuxuu ka qaataa fikir wanaagsan.”
Wasiirka Qorshaynta ayaa sidoo kale intaas ku daray“ Mudane Madaxweyne maanta dhismihii waynu haynaa, waxaanan Wasiirka iyo Wasaaradda duulista ku boorinayaa in dhismaha laga hawl galiyo, maamulkii hufnaa iyo shaqaale carbisan, madaxweyne si aynu ugu faa’iidaynsano dhismahan quruxda badan waxaaynu u baanahay inay diyaarado yimaadaan. Hadii kale bari wuu iska caarayaysanayaa, Dhasbaana dabooli doona, markaas waxanu u baanahay inayu madaarka adeegano, waxana aynu haysanaa qodobo badan oo sabab u ah in la adeegsado madaarka Caalamiga ah ee Berbera.”
Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Mudane Madaxweyne, Mudanayaal iyo marwooyin milgo iyo maamuus weyn ayey maanta noo tahay inaad nagala soo qayb gashaan munaasiban aynu ugu wanqalayno Terminalka Cusub iyo xayndaabkan aynu u samaynay Madaarkeena Bebera, mashruucan oo soconayey mudo dheer wakhtigii loogu tallo galayna dib ugu dhacay mudo dheer sababo badan awgood, bishii September 2012-kii ayaanu dhagax dhignay mashruucan, shirkadii qandaraaska heshay waxa ka hor yimid caqabado farsamo oo ka Wasaaradda ahaan iyo Hay’adda Kuwat Fun aanu garwaaq sanay, meeshan Terminalka laga dhisay waxay ahayd Garoon milatari, oo ay ku aasanaayeen Hub badani, Godod hoosana leh, oo diyaaraha dagaalku galaan, arrintaas oo aan qandaraaska ku jirin ayaa soo baxday, shirkada dhismaha samaynaysay ee Itoobiyaanka ahina waxaan ugu mahad naqayaa waxba nagumayn kordhin xaga dhaqaalaha, laakiin dib u dhac xaga wakhtiga ah ayey keentay arrintaasi.”
Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay kharashkii ku baxay dhismaha mashaariicda laga hir galiyey Madaarka Berbera “ Mashruucan waxa ku baxya 4 438.000 $ (Afar milyan afar boqol iyo sideed iyo sodon kun oo doolar), waxa shaqadaas lagu qabtay Terminalkan aynu fadhino oo ka kooban 2500 Mitir isku weer, oo isugu jira qayb lagu soo dago iyo qayb laga dhoofo, xafiisyo, masaajido, masqulo, iyo dhamaan wax wal oo looga baahan yahayTerminal Caalami ah, waxaanu buuxinay shuruudaha looga baahan yahay dhamaantood.”
Wasiirka Duulista ayaa sidoo kale intaasi ku daray “ Mudane Madaxweyne Mudanayaal iyo marwooyin madaarkani wuxuu qoran yahay ilaa maanta Madaar Milatari Haya’adda duulimaadyada ee Qaramada Midoobayna waxay u aqoonsan tahay madaar Milatari , sidii loo galiyayna lagama saarin xogtaas, Siyaasadda Xukuumadda Somaliland waxa weeyey in madaarkani uu ka baxo taas, oo uu noqdo madaar madani ah, Terminalkan iyo xayndaabkani waxay inoo suuro galinayaan maanta wixii ka dambeeya in uu madaarkani noqdo mid toos u shaqeeya, oo ka baxa diwaanka madaaradda Milatariga, kuna biira madaaradda madaniga ah, shalay muu ahayn garoon caalami ah, laakiin maanta waxaanu ka dhignay garoon caalami ah, afar sano iyo badh Xukuumadda Madaxweyne SIilaanyo waxay qaranka u samaysay laba garoon oo Caalami ah, yaa dafari kara?” Wasiirka Xaashi.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo gabagabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ farxad weyn ayey ii tahay maanta inaan ka soo Qayb galo xaflada furitaanka Terminalkan ay inoo dhistay dawladda Kuwait, Terminalkani ahmiyad aad iyo aad ah ayuu u leeyahay dalkeena iyo dadkeenaba, waa mid qiimo iyo qaayo leh, sidaynu u aragno, oo macno weyn inoogu fadhiya, oo caalamiya , wax weyna ku soo kordhinaya dhaqdhaqaaqa dalkeena INSHA ALLAH.”
Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo ayaa u mahad celiyey dawladda Kuwait oo maalgalisay Mashaariicdaasi waxaanu yidhi “ Madaarkani waa mid aynu ku faanayno, sidaa daraadeed waynu u mahad naqaynayaa dawladda Kuwait iyo cidii gacan ka gaysatayba, dawladda Kuwait waxaan leeyahay aad iyo aad ayaan u mahad san tihiin, markaas inaguna waxaynu ku dadaalaynaa in waajibaadka ina saran iyo wixii inala soo gudboonaada inaynu fulino, oo aynu qabano dalkeena iyo dadkeenaba wixii anfacaya, xilka iyo intii inagu soo beeganta inaynu qabano oo si fiican u fulino, Insha Allahu tacaalaa.”
Madaxweyne Siilaanyo ayaa diyaarad ku yimid Garoonka Diyaaradaha ee Berbera isagoo ka soo raacay Garoonka Hargeysa, sidoo kale madaarka berbera waxa maanta ka soo degtay diyaarada Itoobiya Airline oo siday saraakiil sarsare oo xaflada ka soo qaybgalay.