Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Qaraxii Muqdisho Loo Geeyay Turkiga

0
366

Muqdisho, Soomaaliya – Raysalwasare ku-xigeenka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa shalay loo duuliyey dalka Turkiga, kadib marii uu ku dhaawacmey weerar qaraxyo ah oo dhaawac ka soo gaadhey maalintii Jimcada Hotel Central magaalada Muqdisho.

Maxamed Cumar Carte Qaalib waxaa dhalay siyaasi ruug cadaa ah oo wax badan la soo shaqeeyey Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre (AUN), waxaana uu markii u horeysey siyaasadda Soomaaliya ka soo muuqdey sanadkan 2015 oo uu ka mid noqdey Xukuumadda Cumar cabdirashiid Sharmaarke.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerarkalagu dhaawacey raysalwasaare kuxigeenka, waxaana dadka fuliyey ay ahaayeen nin iyo naag is qaba, gabadhu waxay ka mid ahayd shaqaalaha Hotelka ay weerarka ku qaadey. Waxaa loo qabtey 10 kamid ah shaqaalaha oo labo ay tahay maamulka Hoteelka halka 8 kale yihiin kuwii sugaayey amniga Hotelka.

Qaraxyadan ayaa waxa waxku noqday masuuliyiin badan ka tirsan Dawlada Soomaaliya, kuwaas oo iskugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo shaqaale dawladeedba.