Hargeysa, Somaliland – Waxa magaaladda Hargeysa si weyn looga xusay maalinta dhalinyarada Somaliland oo sanad kasta bisha February 20-keedda laga xuso dalka.
Xuska maalinta dhalnyaradda Somaliland waxa si weyn uga dhex muuqday ardayda dugsiyadda sare, dhalinyaradda Somaliland, wasaaradda waxbarashadda iyo dhalinyaradda iyo ciyaaraha, odayaashii Uffo ee dhagx tuurku ka bilaabmay iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha daladda dhalinyaradda Siyaad Cumar Cali, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Waxaynu maanta Xusaynaa Dhalinyaradii Munaasibadan Maanta Ku Xusayno ee iyagu Sameeyay kacdoonki xaq ku dirirka,Sidoo kale waxaan hanbalyaynayaa Xubnaha ka nool ururkii Ufo Xubnaha Golaha Sonyo waxa maanta sharaf noo ah anagoo isku dhan xubnihii Sonyo in aanu ka soo qayb qaadano xuska maalintan Waxa kale oo aan ka tacsiyadaynayaa dhamaan ehelada qaraabada dadkii ku wax yeeloobay Xuskan maanta oo dhalay Xuska Dhalinyarada Somaliland . Xuskan waa balaadhay oo waxa laga xusayaa kob iyo toban magaalo oo Badhan ugu bariyayso, Saylacna ugu galbeedayso waa maalin ku suntay taariikhdeena waa maalin ku suntay sharafteena iyo milgaheena”.
Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Iyo Dhalinayarada Somaliland Cali Siciid Raygal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Maanta waxa halkan aynu u taaganahay maalinta dhalinyarada Somaliland Dhalinyarada Somaliland waxa ay mudantahay in si gaara loo xuso oo la wayneeyo waxa aynu isla qaadanay in 20-ka febarwari loo asteeyo maalinta dhalinyarada Somaliland, waxaan aad ugu mahad naqayaa cid kasta oo ka soo shaqaysay cid kasta oo ka soo shaqaysa Howshan .”
“sidoo kale waxaan u mahad-naqayaa dhalinyarada Sonyo ardayda dhalinyarada ah ciidamada Qaranka Somaliland oo si Hagar la’aan ah uga qayb qaadanaya dhalinyaradii maalintii xornimada samaysay waa ta aan maanta qoraxda u taaganahay dhalinyaradan kale waxa looga baahanyahay iyaguna in ay la yimaadaan taariikh Ma guurto ah.Waxaan guubaabo u soo jeedinayaa dhalinyarada maanta waxaan leeyahay dhalinyaradii idinka horaysay waa kuwa maanta halkan loo taagan yahay idinkana waxaan idin leenahay noqda kuwo ay taariikhdu xusto waxbarasho ayaad haysaan dalkiinii iyo dadkiinii ayaad haysataan oo nabd ah,dhalinyarada Somaliland waxaan leeyahay noqda kuwa gacmaha is haysta”ayuu hadalkiisa ku daray .
Sidoo kale,waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka waxbarashadda, xubno ka mid kooxddii UFFO ee kacdoonku ka bilaabmay iyo dad kale oo dhamaantood ka sheekeeyey xuska maalintani u leedahay dhalinyaradda.
Munaasibadan ayaa guud ahaan maaanta si balaadhan looga xusay dhamaan gobalada iyo dagmooyinka Somaliland munaasibadan waxa soo qabanqaabisay dalada ay ku midoobeen dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo.