Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay ka soo degay Garoonka diyaaraddaha Muqdisho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xubno ka mid ah Golihiisa wasiirada iyo golaha baarlamaanka.
Ujeedada Safarka Madaxweyne Geelle ayaa lagu sheegay inay tahay dhagax dhigidda xarunta Akadeemiyad goboleedka Af Soomaaliga oo xaruntiisu noqon doonto Muqdisho. Waxa uu sidoo kale ka qayb galay Munaasibadda Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo oo ka socota Hotelka City Palace ee Muqdisho.Munaasibadda ayaa lagu sharaxay Alaabo dhaqameedka Soomaalidu caanka ku tahay.
Waxaa sidoo kale Muqdisho ku sugan Wufuud iskaga timid Degaannada Af Soomaaliga lagaga hadlo,siiba Kenya iyo Ethiopia, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya Munaasibadda Xuska Afka hooyo.
Amniga Caasimada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, maadaama ay jiraan xaaladdo amaan darro oo Kooxda Al-shabaab ka fuliso guddaha Muqdisho.Jidka Maka Al-mukarama oo ah kan ugu muhiimsan Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidammo fara badan oo ilaalinaya amaanka.
Socdaalka Madaxweynaha dalka Jabuuti, ayaa noqonaysa Safarkiisa labaad ee uu Muqdisho ku yimaado, waxaanu hore u yimid Somalia sanadkii 2011-kii, wakhtigaasi oo abaar Macluul baahsan sababtay ka taagnayd Dhulka Somalia.