Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa baarlamaanka Somaliland ku eedeeyey in aanay samayn xeerkii lagu dooran lahaa, isla markaana aanay suurogal noqon doonin in dawlad wadag ah la dhiso marka wakhtiga doorashadda la gaadho.
Cali-Warancade waxa uu sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa. Waxaanu yidhi “Waxaan maanta Halkan ku sheegayaa inaan ugu Quus Gooyo Asxaabta mucaaradka, waxaanan leeyahay Dalkani waxa uu leeyahay Nidaam Dawladeed oo la iska Soo dhaxlay,waxaana ay dawladdani ku timaadaa Shacab Soo doortay, Dawladda Wadaagna Lama Samayn Karo,waxaana Dawladda Xilka Haysa Ka qaadi Kara uun Shacab Ka Codeeya oo Kalsoonida Siiya,laakiin inta ka Horaysa Cida awoodda iska Leh waa La Garanayaa”
Wasiir Warancade Warancadde, waxa uu sheegay in Xukumaddu qaadatay Doorkeeda doorashada kaga Aaddan “Halkan waxaan ka Cadaynayaa In Wixii Lagu Gali Lahaa Doorashada ay Dhamaysay Xukuumada Somaliland Si Aanay u dhaafin Sanadka 2015Ka,Lacagta Doorashada ku Baxaysaa way Badan tahay Qayb waxa qaadatay Dawlada Somaliland, Qaybna waxa Qaadatay Bulshada Caalamka. Halkan waxaan ka cadaynayaa Qaybtii ku Aadanayd Xukuumada Somaliland Inay ku dartay Miisaaniyadda 2015ka. waxaad ogtihiin in Sharcigeenu dhigayo Qof Aan somaliland Ahayn inaanu Doorasho Dalka ka gali Karin oo Ah diwaan Galinta inuu isna Yahay mid Gabaabsi Ah,waxaana ay dhamaanaysay inta Aan doorashada La gaadhin” ayuu yidhi Warancadde.
Wasiirku waxa uu Golaha wakiilada ku eedeeyay inay kursiga fadhiyeen muddo 10 sanno ah ilaa haddana aanay samayn Xeerkii lagu dooran lahaa Wakiilada “Runtii Baarlamanku shantii sanno ee loo kordhiyay iyo shantii hore ee ay fadhiyeen tobankaas sanno may samayn sharcigii lagu dooran lahaa oo ilaa imika ay ka hadhay 4 bilood oo kaliya,asaasna waxa ay u tahay in ay doorasho dalka ka dhacdo.”
Wasiir Warancadde, waxa uu Waddamada Caalamka ee Somaliland taageera ku eedeeyay inaanay Samayn Diwaangalinta Codbixiyeyaasha Somaliland oo ay ahayd in wakhtigan la dhamaystiro balse aan ilaa hadda waxba laga qaban, lana bilaabin. Waxa uu sheegay inay iyagu lahaayeen bixinta kharashka ku baxaya.
“Waxaan Aad uga Xumay kaadhkii Lagu codayn Lahaa ee la Doonayay in La bilaabo Lix Bilood ka Hor inaan ilaa hadda Halkiiba Laga Qaadin. Annaga oo wax badan ku heshiinay Deeq Bixiyeyaasha in wakhti Hore La bilaabo,Marka Laga Reebo Shirkado Lasiiyay Qandaraaska oo wali khilaaf ka taagan yahay Dacwadna wali Jirto,waxaana ugu Baaqayaa hay’addaha Daneeya Doorashada in ay Dhameeyaa Wixii kaga Beegan” ayuu yidhi Wasiirku
HALKAN KA DAWO: