Maraykanka Oo Dalal Ka Iibineysa Diyaradaha Hubaysan Ee Drones-ka

0
285

Washington DC, USA – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dalalka xidhidhadha dhow ay la leeyihin ka iibinayso diyaaradaha aan lahayn ee loo yaqan Drones, oo qorsha cusub uguna horeyso dowladda Maraykanku ay sheegto inay iibinayso diyaaradahan.

Drones

Dowladda Mareykanka ujeedada ay ka leedahay iibka diyaaradahan ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii kooxaha xagjirka ah sida Al-Qaacida, ISIL iyo Al-shabab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya, loo cidhib tiri lahaa.

Mareykanka ayaa sheegay inuu doonayo diyaradaha drones ka ah ay noqdaan qorshaa lagula dagalamayo kooxaha Al-shabaab iyo ISIS dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegay in sababta ku kalliftay inuu xilliga ka iibiyo dalal kale diyaaradihiisa Drones-ka ay tahay sidii aan suuqa ganacsiga looga awood roonaan, kaddib markii dalka Shiinuhu uu billaabeen inay iibiyaan diyaaradahooda Drones-ka loo yaqaan.

Xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku si dhow ula socon doono dalalka uu ka iibinayo diyaaradahan Drones-ka si uu wafaaqsan sharciga caalamiga ah ee dhanka xuquqda aadamaha.

Iyadu shirkadaha sameyaa diyaradahan ay dowladda Maraykanku horay uga iibisay diyaarada Drones-ka dalalka Britain iyo Talyaaniga.

Xarun ka falanqaysa ururada ama kooxaha Islaamiyiinta ah ee dunida ka jira ayaa ka digtay isticmaalka diyaaradahan ay laba & saddex laabmi doonto, tiradaa xilligan la isticmaalo. Iyadoo ay ku kici doonto iibinta diyaaradahan lacag dhan 5.2 bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Ugu dambeyn, saraakiisha Mareykanka weli ma carrabaabin dalalka laga iibin doono diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, balse warar hoose ayaa sheegaya in dalalka laga iibinayo ay ku jirto Masar.