“mashruuca biyo balaadhinta caasimadda waa la siyaasadeeyey iyadoo aan cidba Ogayn in Biyaha Ceelashu yihiin kuwo biyo leh… waxaan idiinku Bushaaraynaynaa inaanu Ogaanay inta ay leegyihiin Biyaha Ceelasha laga qaday Xumbo-weyne, Todobaadkii hore ayay daraasaddu noo soo dhamaatay, waxaanuna ka helay biyo badan.” Xuseen Cabdulle
Hargeysa, Somaliland – Wasiirka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle, ayaa sheegay in iyadoo la waddo daraasaddii ceelasha Xumbo weyne biyo looga heli lahaa warar aan jirin suuqa la soo galiyey, isla markaana siyaasad iyo qabyaalad lagu soo dhextuuray kuwaas oo aanay waxba ka jirin sida dadka dannaha lihi u dhigeen.
Wasiirka ayaa sheegay in shacab weynaha reer Hargeysa ugu bushaaraynayaan inay biyo balaadhintii dhowaan bilabayan oo ay usoo gabogabowday daarasaddi lagu ogaanayey xadiga biyaha ee ku jira ceelasha Xumbo weyne.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa loo aasay sidii ay u dabooli lahayd baahidda biyood ee dalka ka jirta, isla markaana dibad iyo gudaba maalgalin biyood uga heli lahayd.
Wasiirka oo Warbixin siinayay Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada ayaa ugu horayn Qorshaha wasaaradda ka xog waramay “Waxaanu ku hawllannahay Sidii loo abuuri lahaa Jawi lagu soo jiito Maalgashadeyaasha Gudaha iyo dibadda si Biyaha wax looga qabto.waxa kale oo Wasaaraddu leedahay Istiraatijiyad ama Qorshe Qaran Oo Biyaha ah, kaas oo Wasiiradu ansixiyeen. Qorshehaasi oo ka duulaya hir galinta Mashaariicda oo ku salaysan qorshaha horumarinta wasaaradda Qorshaynta ee labada sanno,shanta Sanno iyo 30-ka sanno ee soo socda. Waxa kale oo aanu leenahay oo Baarlamaanku noo ansixiyay Xeerkii Biyaha oo aanu ku shaqayno. Waxa kale oo noogu qeexan Siyaasadda inaanu Maamul daadajin samayno ilaa heer tuulo ah”.
Wasiirku waxa uu sheegay in Guud ahaan dalka sanadkii la soo dhaafay ay ku sameeyeen daraasad ay fuliyeen laba sahan oo loo diray inay Ceelasha dalka ee Bari ilaa galbeed ah soo hubiyaan sida ay u shaqaynayaan iyo inta wax qabta “Lawyo-caddo ilaa Ceelaayo oo Xuduudka ah Ceelasha maanta dadku ka cabbaan way noo suntan yihiin.mid walba Banbada ku jirta iyo Matoorka ku jira waanu Ognahay. Waxaa Wasaaraddu awood u yeelatay haddii la yidhaahdo Saylac ayaa Ceelku ka fadhiistay inaanu Computer-kayaga galo markaaba Ogaano Bambada Ceelkaas ku jirta,Madoorka ku jira iyo Khasabadaha ku jira nooca ay yihiin”.
Wasiirku waxa uu ka waramay Mashaariic Hargeysa lagu biyo galinayay oo hortii la saxeexay balse aan ilaa hadda dhamaan kuwaasi oo uu tilmaamay in la siyaasadeeyay “Mashruucan Xumbo-weyne muddo ilaa 4 sanno ku siman ayuu Miiska inoo saarnaa.waxaan u imid iyadoo Ceelashii la qoday oo Mashruucii taagan yahay oo khadkuu mari lahaa la dhigay, taasi waxay keentay Isqabsi, Siyaasad, waxaana la dhexgaliyay Mashruucaas siyaasad iyadoo aan cidba Ogayn in Biyaha Ceelashu yihiin kuwo biyo leh… Mashruucaas qayladiisu waa badatay,marbaa la yidhi inta Biyaha halkaas laga soo qaado ayaa galbeed la gaynayaa oo dib baa loo celinayaa, waxaasna waxba kama jirin. Mashruucaas waa la siyaasaddeeyay, waa la qabyaaladdeeyay Dilaalna waa dhex galay laakiin, waxaan maanta idiinku Bushaaraynaynaa inaanu Ogaanay inta ay leegyihiin Biyaha Ceelasha laga qaday Xumbo-weyne, Todobaadkii hore ayay daraasaddu noo soo dhamaatay, waxaanuna ka helay biyo badan.”
Wasiirku waxa uu sheegay inuu haatan dhaw yahay dhamaystirka Qorshaha Mashruuca Xumbo-weyne.waxa uu sidoo kalena sheegay in Mashruuca Biyo Balaadhanti oo ay wado wakaaladda Biyaha Hargeysa oo kamadaxbannaanina wado ay hadda tahay arrin aan kharash la’aani hayn balse diyaar uu yahay.