Maayarka Caasimada Oo Dhagax Dhigay Xarun Loo Dhisi Doono Agoomaha

0
310

Hargeysa, Somaliland – Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shalay dhagax dhigay dhismo cusub oo lagu kordhin doonno xarumaha agoomaha ee Kuweyd ee Bariga magaaladda Hargeysa.

Dhismahan cusub ayaa laga dhigi doono cisbitaal, goobo waxbarasho iyo xarumo kale oo agoomaha wax loogu qabanayo, waxaanay ka soo horjeedda qaybtii hore ee dhismaha Agoonta dawladda Kuweyd ka maalgalisay magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan lagu dhagax dhigayey qaybtan kale ee cusub ee loo dhisi doonno xarunta agoomaha ee Kuweyd ayaa waxa ka soo qaybgallay Maayarka Caasimadda, Xoghayaha dawladda hoose Mawliid Weris Cabdilaahi, Madax dhaqameed iyo gudoomiye ku xigeenka xarunta Agoomaha ee bariga magaaladda Hargeysa.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda maalgalinaysa dhismahan CabdiQaadir ayaa maayarka Hargeysa uga mahad celiyey sida wanaagsan ee uu xaruntan ula shaqeeyo iyo balaadhinta xaruntan agoomaha oo hadda dhismihiisu socoto qaybtii hablaha.

“waxa noo farxad ah in aan ka qayb qaadano mashruucan lugu maal galinaayo dhismahan cusub ee maanta la dhagax dhigaayo, waxa iyaguna dhankooga aanu u mahad naqaynaa  Dowlada Hoose Oo Iyadu maanta hirgalinasay in ay dhulkan na siyaan si aanu umada waxa ugu qabano siiba waxa mahad gaara iska leh Maayirka Magaalada Hargaysa oo had iyo goor nala shaqeeya oo la’aantii hawshani hirgasheen, waxaana ilaahay uga baryeyaa inuu aakhiro iyo aduunkaba abaalkeedda ka siiyo.Mashruucan waxa uu Noqon Donaa mid lugu balaadhiyo mashrucaa Kuwat ee agoomaha ee ku yaal caasimada Magaalada Hargeysa oo haya ilaa afar boqol oo agoon ah oo isaga yimi dhamaan gobolada dalka oo dhan”ayuu yidhi Cabdiqaadir oo ku hadlayey hay’adda maalgalinaysay mashruucan.

Afhayeenka madax dhaqameedka Suldaan  Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa maayarka iyo hawl-wadeenadiisaba uga mhad naqay horumarinta caasimadda iyo wadooyinka ay mudaddii ay joogeen ka hirgaliyeen caasimadda .

Sidoo kale, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa sheegay in mayarka la’aantii mashruucan balaadhan ee agoonta loogu gargaarayo hirgaleen, isago xusay in markasta uu ka warhayo xaruntan agoomaha, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ mashruucan waa mashruuc aad u weyn oo aan filaayo in ay bulshada qaybaheeda kala duwani ka Faa’iidaysan doonaan waxaan u mahad naqayaa Maayirka Magaalada Hargeysa oo ah Maayir ku Howlan Sidii uu Bulshadiisa waxa ugu qaban lahaa, waad aragteen oo mudaddii uu joogay waxa wadooyin iyo mashaariic ka socda caasimadda, waanu heli doonnaa abaalkeedda, waxaanu maayarku qayb weyn ka qaatay balaadhinta iyo hirgalinta xarunta agoomaha ee Kuwayd hirgalinayso,  Sidoo kale waxaan u mahad naqayaa Haayada fulinaysa mashruucan” .

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa isaguna sheegay inuu garab taagan tahay waxtarka  bulshadeenna taagta daran iyo sidii wax loogu qaban lahaa, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Run ahaantii mashruucan sidaad ula socotaan Magaalada Hargeysa kuwa ugu quruxda badan weeyaan agoontenii oo halkaa ku jirtaa waa shay cajiiba in agoomaha la ilaaliyana waa waxa waajib ah Maalintii hore ee ay hay’adu dhagax dhisaysay waxaan u sheegnay in meel walba oo ay doonayso in ay ka fuliso dan guud in aanu dhul u hayno, afarta jiho ee magaaladda dhul baanu ugu hayna halka ay doonto way ka dhisi karta, waxaana muhiim ah inay caruurteenii agoomuhu helaan daryeel iyo u naxariisasho.Waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba u mahad-naqayaa Hay’ada mashruucan wada oo aanu maanta leeyahay mar walba oo aad mashruuca haysaan anagan waxa naga go’an in aanu dhulkii idin siino.”

Dhinaca kale, Maayar Soltelko iyo xoghayaha dawladda hoose Mawliid Weris Cabdilaahi ayaa kormeer ku tagay duuxa weyn ee Haleeya kaas oo waxyeelo ka soo gaadhsiiyeen iska rogooyinka camuudda ka gura, waxaana uu maayarku la kulmay guddida gaadiidka Iska rogooyinka iyo guddida deegaanka oo cabasho ka muujiyey.

Maayarka Caasimadda ayaa u xadeeyey qaybta ay iska rogooyinku camuudda ka qaadi karaan iyo halka aanay ka qaadi Karin, waxaana ay guddiyada labadda dhinac isla garteen xadayntaasi ku qancaan.

Iska rogooyinka camuudda ka gurra Dooxa Hargeysa ayaa dadka deegaanku cabasho ka muujiyeen, waxaanay sheegeen wakhtiga Roobku da’ayo ay dhulkii dooxo ku balaadho oo ay biyuhu gaadhaan deegaano ka fog fog oo aanay gaadhi jirin, waxaanu maayarku ballanqaaday in gidaaro biyaha ka qabta oo yareeya fidista biyaha ku xidhi doonaan iyo si aanay biyuhu uga gudhin dooxa oo biyo looga helo.

Dhinaca kale, waxa uu Maayarku banneeyey waddo ku taalla xaafadda Hawl-wadaag ee degmadda Gacan Libaax, isagoo ballanqaaday inuu waddo laami ah ka samayn doono, isla markaana dadka ugu baaqay inay wadooyinka aanay dhex degin.

Sidoo kale, Dawladda hoose oo uu horkacayo maayar ku xigeenka caasimadda Cabdicasiis Cago weyne ayaa shalay subaxii banayn ka bilaabay suuqa waaheen oo aanay jirin waddo loo maro haddii uu dab qabsado, waxaana wadooyinkii lagu dhex ganacsan jiray ka raray dadkii, waxaana banayntaasi soo dhoweeyey ganacstaddii oo sheegay in aanay wakhtigii hore jirin meel looga soo gurmaddo haddii dab ka kaco suuqa waaheen.

87666 78888 222(28).jpg 88(30).jpg 11(158).jpg