Hargeysa, Somaliland – Gudoomiye xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in aanu ka war hayn in gudoomiyaha golaha Wakiiladdu iska casilayo xilkiisa.
Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Wakiiladda Cali Yuusuf, ayaa sheegay in golaha ay soo booqdeen hay’adda madaxa banaan ee duplamaasiyiinta kuwaas oo uu xusay inay doonayaan inay wax badan ka ogadaan Somaliland.
Ugu horeyn gudoomiye Cali Yuusuf oo arrinta iscasilaadda gudoomiye Cirro si degan uga jawaabaya ayaa yidhi “Dee waxay ila tahay Su’aashaasi in loo jeediyo Gudoomiyaha ayay ku haboon tahay,annaga waxba si rasmi ah nooguma sheegin”.
Sidoo kale, Mudane Cali Yuusuf Axmed waxa uu dhanka kale ka hadlay Diblamaasiyiin Shir gudoonku kulan la yeeshay oo ka socda Hay’adda Independent Diplamacy “Waxa maanta noo yimid laba Diblamaasi oo ka socda hay’adda la yidhaahdo Independent Diplomat,waana Diblamaasiyiin madaxbannaan waxayna doonayeen inay Somaliland waxbadan ka Ogaadaan”.
Waxa uu sheegay in labada Diblamaasi mid hore u joogi jiray Somaliland midna haatan yimid islamarkaana ay la shaqayn doonaan Baarlamaanka iyo wasaaradda Arrimaha dibadda. Gudoomiye xigeenku waxa uu sheegay inay muddo saacaddo ah lafo gurayeen qaabka Somaliland iyo Somalia iskugu biireen iyo xaaladdaha hadda taagan iyo sidii Somaliland xorriyadeeda ula soo noqotay. Waxa uu sheegay in Diblamaasiyiintani haatan Somaliland kala shaqayn doonaan dhanka arrimaha diblamaasiyadda.
Si kastaba ha ahaatee, wararka suuqa soo gallay ayaa tilmaamaya in gudoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro dhowaan damacsan yahay inuu xilkaasi iska casilay, isla markaana u banbaxo xisbigiisa, haseyeeshee illaa hadda gudoomiye Cirro kama hadal wararkaasi la hadal hayo.