Muqdisho, Soomaaliya – Afar qof oo uu ku jiro darawalkii gaadhigii ay wateen saddex sarkaal oo ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa shalay lagu dilay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya.
Shaqaalahan iyo darawalkooda lagu dilay toogashada ayaa la sheegay inay ka yimaadeen xilliga la dilayo garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo watay gaadhi yar oo kuwa raaxada ah.
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa soo gaadhay goobta kaddib markii uu dilku dhacay, iyadoo dilkan uu ka dhacay albaabka hore ee hoteelka Naasa-hablood ee magaaladda Muqdisho.
Saddexdan sarkaal ayaa la kala odhan jiray Abuukar Caddaani, Agaasimaha Gaadiidka Hawada Soomaaliya, Maxamed Axmed Haaruun, Maareeyaha Hagidda Hawada, Maxamed Kadiye Jimcaale, Maareeye ku xigeenka Duulista Hawada iyo Xuseen Hilowle Caddaan oo ahaa darawalkii gaadhiga saddexda sarkaal.
Maydadka saddexda sarkaal iyo darawalkooda ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Somalia, iyadoo kooxihii dilka geystay ay markiiba baxsadeen.
Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sadexda sarkaal ee ka tirsanaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo darawalkii u waday gaadhiga.
“Ciidamadeena gaarka ah ayaa fuliyay dilka saddexda sarkaal ee DFS ka tirsnaa, waana sii wadi doonnaa ugaadhsiga aan ku hayno xubnaha dowladda,” ayay Al-shabaab ku sheegtay warbixin ay soo saartay.
Si kastaba ha ahaatee, maalmahan u dambeeyey ayaa dilalka qorshaysan ayey xoojiyeen kooxda Al shabaab, waxaana doraad nin kale oo sarkaal ah ku dileen magaaladda Muqdisho.