Hargeysa, Somaliland – Maamulaha Kuliyada Golis European College of Hospitality And Construction Cumar Muuse Kaahin ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay hawl ay bilaabayaan.
“Waxaan bishan 28/2/2015 bilaabaynaa Kuliyada Golis European College Of Hospitality And Construction, oo ah kuliyadii ugu horeysay ee nooceeda ah ee Somaliland laga sameeyo, waxa yaala qalab casriya, waxaanu doonaynaa inaanu dhaqanka markii hore Somaliland wax loo baran-jirey ka bedelno.”
Maamulaha Kuliyada Golis European College Of Hospitality And Construction Cumar Muuse Kaahin oo ka hadlayay waxyaabaha kala duwan ee kuliyadan lagu baran doono ayaa waxa uu yidhi “Kuliyaddan waxaanu dhignay qalab casriya,waxaanu lagu baran doona Sida loo maamulo Hudheelada Caalamiga, oo cidii ka soo baxda inay caalamka la jaanqaadaan,Waxa Kale oo lagu baran doona sida loo diyaariyo cuntada diyaaradaha, Waxa kale oo lagu baran doona Nadaafada hudheelada waaweyn ee Caalamiga, waxa kale oo lagu baran doonaa martigelinta iyo maamulka hudheelada oo heer caalamiya iyo arrimo kale oo baddan”. “Kuliyadani way ka duwan tahay Jaamacadaha Somaliland ka dhisan waxaana wax lagu baranayaa wakhti kooban, waxaanan ardeyda baraynaa waxbarasho tayo leh, waxaanu Kuliyadan keenay macalin Ajanebiya iyo khubaro aanu ka keenay dibada,kuwaas oo ku xeel-dheer cunto karinta, maamulka iyo martigelinta hudheelada caalamiga (Hospitality).
HALKAN KA DAWO: