Ganacsatada Jaadka Keenta Soomaaliya Oo Mudaharaaday

0
391

Muqdisho, Soomaaliya – Ganacsatadda jaadka ka keena Kenya ayaa sheegay inay gabi ahaanba joojiyeen jaadkii ay ka keeni jireen dalkaasi ka dib markii qiimihii ay soo sii jirin jireen kor ugu qaadeen, isla markaana Soomaaliya cashuurtii ku kordhisay.

Suweys Jaamac oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo socda wax qaad ah la keeni doonin Soomaaliya, isla markaana ay hakiyeen 16 diyaaradood oo Soomaaliya tagi jiray.

“Hakadkan waxaa sabab u ah, lacagihii canshuuraha Somalia oo badan iyo Qaadka oo Kenya ka qaaliyoobay, marka waxaan go’aansannay inaan hakad gelinno ka ganacsiga Qaadka,” ayay tidhi Suweys Jaamac oo ku hadlaysay guddida ganacsatadda jaadka iibsata.

haweeneydan ganacsatada ah ayaa sheegtay in Muqdisho ay u diri jireen maalin walba 16-diyaaradood oo qaad sida, halka maamulka Puntland hal diyaarad oo u dhiganta lix diyaaradood oo yar-yar u diri jirtay.

Dhinaca kale, Haweenkii iibin jiray jaadka iyo Raggii cuni jiray jaadka ayaa saameyn ku yeelatay go’aankani, isla markaana shalay aanu jaad jirin Soomaaliya.

wararka laga helayo dadka ka ganacsada Qaadka ee Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in saddex illaa afar maalmood aanu qaadku imaan doonin magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Haweeney ka mid ah kuwa ka ganacsada Jaadka oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegtay in jaadka joojintiisa ay sabab u tahay isagoo qaali ku yimaada iyo isagoo aan fool-xumo awgiis aanay dadku iibsanayn.

“Maama sababta Jaadka loo joojiyay waa isagoo fool xun iyo isagoo qaalli ku yimaada dalka… marka waan soo dhaweynayaa in la joojiyo, waayo xal ayaa la gaadhi karaa mar haddii fikirka la qabo dibadda loosoo saaro,“ ayay tidhi mid ka mid ah haweenka Jaadka ka ganacsada.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa sheegtay in fool-xumada jaadka iyo qiimaha uu ku yimaado ay ka mudaaharaaadeen ayna ka dalbadeen ganacsatada in aanay keenin jaad fool xun oo qaali ah, sidaas awgeedna jaadka la hakiyay muddo saddex maalmood ah; kaddibna ay filayaan in la keeno jaad kii hore ka wanaagsan kana qiimo jaban.

Nin ka mid ah ragga cuna jaadka oo isguna warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday ganac-satada inay jaadka soo daayaan, waxaaanu yidhi “Anigu waxaan askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka, jaadka dan weyn ayaa noogu jirta, ganacsatada dan ayaa ugu jirta. Innagu waxaan maalin walba u taagannahay inaan dalka difaacno, waxaan ku difaaci lahaynna waa jaadka… marka dowladda Kenya, tan Somalia iyo ganacsatadaha waxaan ka codsanaynaa inay jaadka noo soo daayaan,”.

Muqayil kale oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu isagu aad u jeclaan lahaa in jaadka la joojiyo, maadaama uu dhaqaal badan uga baxo, wax ay ka helaanna aanay jirin.