Gabiley, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa shalay ka qaybgallay Qalinjabinta arday dhamaystay Jaamacadda Timacadde University ee magaaladda Gabiley..
Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaaladda Gabiley ee gobolka Gabiley, waxaanu dadweynihii soo dhoweeyey uga mahad naqay soo dhoweyntoodda.
Munaasibad si balaadhan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta jaamacada Gabiley, waxaana ka soo qayb-galay ardaydii qalin jabinaysay, waalidiintooddii, wasiiro iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa hambalyeeyey ardayda dhamaystay jaamacadda, waxaanu ilahay u baryey inay shaqooyin ku heli doonaan aqoontaasi ay barteen, waxaanu madaxweynuhu shahaadooyinkooddii gudoonsiiyey ardaydi dhamaystay kuuliyadaha kala duwan ee jaamacadda.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shahaado sharaf gudoonsiiyey guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed oo ay jaamacada Timacade u aqoonsatay Aabaha jaamacada Somaliland.
Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu xadhiga ka jaray dhismeyaal iyo wadooyin kala duwan oo ay ugu horeeyeen Dhismaha Hool weyn oo jaamacada Timcade yeelan doonto oo ay maantaba ku qabsatay Xaflada qalinjebinta Jaamacada, furitaanka Cusbitalka Dhimirka oo laga hirgeliyey Gabiley, waxa kale oo uu madaxweynuhu furay dhismeyaal lagu kordhiyey cusbitalka TB ee Gabiley, isaga oo ku guda jira mashaariicda gabolka ka hirgalayna waxa uu xadhiga ka jaray iyana waddo isku xidhi doonta magaalada iyo xabaalaha.
madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay wado casri ah oo loo qorsheeyey inay isku xidho gudaha magaalada Gabiley, iyo waddo iyana nooceedu ku cusbaandoono dalka taasi oo noqon doonta waddo laba haad ah balse dhexdeeda ay hadhsan doonaan shacbigu, baabuurtuna ay dhinacyada uun ka maridoonto.
Intaasi ka dib waxa weftiga madaxweynuhu u soo amba-baxeen dhinaca magaaladda Beeralayda ee Arabsiyo halkaasi oo qaddo loogu sameeyey Beer weyn oo ku taalla duleedka magaaladda Arabsiyo.