“Cunto Karinta Ayaanu Dhalinyarada Baraynaa” Kuliyad Cusub

0
345

Hargeysa, Somaliland – Maamulaha Kuliyada Golis European College of Hospitality And Construction Cumar Muuse Kaahin ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay hawl ay bilaabayaan.

“Waxaan bishan 28/2/2015 bilaabaynaa Kuliyada Golis European College Of Hospitality And Construction, oo ah kuliyadii ugu horeysay ee nooceeda ah ee Somaliland laga sameeyo, waxa yaala qalab casriya, waxaanu doonaynaa inaanu dhaqanka markii hore Somaliland wax loo baran-jirey ka bedelno.”

Maamulaha Kuliyada Golis European College Of Hospitality And Construction Cumar Muuse Kaahin  oo ka hadlayay waxyaabaha kala duwan ee kuliyadan lagu baran doono ayaa waxa uu yidhi “Kuliyaddan waxaanu dhignay qalab casriya,waxaanu lagu baran doona Sida loo maamulo Hudheelada Caalamiga,  oo cidii ka soo baxda inay caalamka la jaanqaadaan,Waxa Kale oo lagu baran doona sida loo diyaariyo cuntada diyaaradaha, Waxa kale oo lagu baran doona Nadaafada hudheelada waaweyn ee Caalamiga, waxa kale oo lagu baran doonaa martigelinta iyo maamulka hudheelada oo heer caalamiya  iyo arrimo kale oo baddan”. “Kuliyadani way ka duwan tahay Jaamacadaha Somaliland ka dhisan waxaana wax lagu baranayaa wakhti kooban, waxaanan ardeyda baraynaa waxbarasho tayo leh, waxaanu Kuliyadan keenay macalin Ajanebiya iyo khubaro aanu ka keenay dibada,kuwaas oo ku xeel-dheer cunto karinta iyo  maamulka iyo martigelinta hudheelada caalamiga (Hospitality). Waxa kale oo aanu kuliyadan dadka ku baraynaa xirfado ay ku shaqeystaan si degdega. Waxaanu doonaynaa ardeyda ka soo qalin-jabisa Kuliyadan inay kobcinta dhaqaalaha qeyb laxaad leh ka qaataan, waxa kale oo aanu doonaynaa ardeyda halkan ka qalinjabisa inay markii shaqooyin ka helaan dalka iyo dibadiisaba. Wejiga labaad waxaanu Kuliyadan ardeyda ku baraynaa dhamaan dhismayasha oodhan, haday noqoto Biyogelinta, “

“Dadka xirfadaha leh waxaynu ka keena dalalka dibada, markaa waxaanu doonaynaa inaanu dhaqankaa bedelno, oo ardeyda kuliyadan ka qalin-jabisaa xirfadahooda dalka gudihiisa iyo dibadiisa-ba ka shaqeeyaan oo lacag baddan oo dibada inaga tagi jirtay ay inoo nagaado. “

Cumar Kaahi  waxa uu ku dooday inay Kuliyadani qeyb laxaad leh ka qaadan doonto shaqo abuurka dalka, waxaanu yidhi “Kuliyadani dhinaca shaqo abuurka xoog ayay wax uga tareysa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, oo waxaanu soo saareynaa ardey tayo leh oo taqaana martigelinta iyo maamulka hudheelaa Caalamiga, Cunto karinta heer caalami iyo arrimo kale oo baddan. Waxaanu doonaynaa inaanu qeyb ka noqono dhaqaale kobcinta dalka, waxaynu doonaynaa inaanu soo saarno dadk xirfad-yahana oo aynu kaga maarano dadkii aynu dibada ka soo kaxaysan jirnay”.

“Waxaanu Kuliyadan keenay qalab casriya oo heer caalamiya oo ah Kijo, taas oo aanu doonayno inay ardeydu aqoon ahaan iyo farsamo ahaan wax u baran doonaan. Waxaanay kuliyadani u badnaan doonta 60% (Boqolkiiba lixdan) Practical.” “Jaamacada Golis University waxa naga dhaxayn doona xidhiidh wada-shaqeynayd oo toosa….. Kuliyadan waxa wax ku baran doona ardeyda Dugsiyada sare ka soo qalin-jabisa, iyo Hablaha oo kaalin weyn oo laxaad leh aan ka siinayno kuliyadan iyo ardeyda Jaamacadaha dhameystay ee aan xirfad lahayn si aanu xirfad u barno ay markiiba ku shaqo tagaan. Waxa kale oo aanu ardeyda bari doona English-ka iyo Carabi-ga”.