Xildhibaan UK Ah Oo Dood Baarlamaanka Yurub Yeeshay Ka Soo Jeediyay Suurta-galnimada In Somaliland Iyo Koonfur Yemen Noqdaan Dalal Madax Banaan

0
290

Strasbourg,  France – Baarlamaanka Midowga Yurub oo dood arbacadii toddobaadkii hore ka yeesheen xaaladda dalka Yemen, ayaa markii ugu horeysay lagu soo qaaday xaqa ay u leeyihiin in dal madax banaan loo aqoonsado Koonfurta Carab (Koonfurta Yemen) ee aqlabiyadoodu tahay Muslimiinta Sunniga ah, kadib markii dalka Yemen ay taladiisa gacanta ku dhigeen kooxda Xuutiyiinta ee Shiicadda ah, isla markaana toddobaadkii u dambeeyay ay dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo kuwo kale ay xidheen Safaaradihii ay ku lahaayeen dalkaas.

Black_Country_STRAS

James Carver MEP, oo ah Mudane laga soo doorto Galbeedka Midlands, kana tirsan xisbiga Xorriyadda ee UK (UKIP), isla markaana xubin ka ah guddi-hoosaadka Madaxbanaanida iyo Dimuqraadiyadda tooska ah ee Baarlamaanka Yurub (EFDD), ayaa doodii rasmiga ahayd ee Arbacadii ka dhacday Baarlamaanka Yurub, waxa uu ku soo jeediyay in aqoonsi madax banaaniyeed oo la siiyo Somaliland iyo Koonfurta Carab, ay wax weyn ka tari karaan ammaanka Mandaqadda Gacanka Cadmeedka.

Mudanuhu isagoo diiradda saaraya arrinta Yemen, waxa uu tusaale u soo qaatay Somaliland, waxaanu xusay suurto-galnimada in Koonfurta Yemen ay iskaashi la sameyn karto beesha Caalamka xataa haddii aanay aqoonsi rasmi ah helin.

“Waxaan si gaar ah u taageerayaa ama aan rumaysannahay In la taageero dhawaaqa ka soo baxay Golaha Koonfurta ee dimuqraadiga ah ee Yemen ee dalbaday in madax banaani la siiyo, si loo taageero deganaanshaha, ammaanka mandaqad leh muhiimad istaraatijiyadeed,” ayuu yidhi James Carver MEP, waxaanu intaas raaciyay “Maanta waxa uu gobolkani wakhti kasta uga baahi badan yahay aqoonsi gooni-isu-taag inay helaan, si la mid ah sida ay Mandaqadda koonfur ka soo eegaysa gacanta Cadmeed (Somaliland) ay ugu baahan tahay in hesho aqoonsi dal madax banaan ah, iyadoo ay Somaliland muujisay sida ay suurta-gal u tahay in dadku samaystaan nidaam cusub oo ah dal Islaam ah oo ku dhaqmaya dimuqraadiyad. Sidaas darteed waxaa soo jeedinayaa inaynu suurta-gelin karno aqoonsi la siiyo Somaliland iyo Koonfur Carabta (Yemen).”

Maaha markii ugu horeysay ee uu Mudane James Carver Baarlamaanka Yurub u soo jeediyo in baarlamaanku hoos u eego codsiga Somaliland ee ah in ay noqoto dal la aqoonsan yahay, waxaanu mar hore soo jeediyay in Baarlamaanka Midowga Yurub aqoonsado Somaliland si la mid ah aqoonsigii ay u codeeyeen ee dalka Falastiin.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI