Hargeysa (CH)- Wariye Maxamed Cali Xaashi ‘News’ oo ka mida wariyayaasha ka hawalgala tvga somaliland space channel Ayaa Maalintii Saddexaad Si Cadaalad Darro ah Ugu Xidhan Saldhiga Iftin Ee Dagmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeisa.
Suxufigan oo ay Si Arxan-darro Ciidamadu Gacanta ugula tageen ayaan Ilaa Hadda loo Sheegin Dambiga uu Galay Iyo Cid Soo Eedaysay toona, islamarkaana Wali Xeer Ilaalinta Qaranku, Wax Dambiya Kusoo oogin.
Waxaa Wariyaha Markii Habeenimadii Khamiista uu ka Rawaxay Shaqada ay qabteen Ciidanku Isagoo Kusii Jeeda Gurigiisa oo Kuyaala Agagaarka Cusbitalka Edna, ee La Geeyey salidhiga, Mid Kamid Ciidamada Boolisku, Gudaha Xabsiga Ku Qabtay Bastolad isagoo aflagaado iyo cay u raaciyey,
Waxaana wariyahu markii uu ku wargeliyey eheladiisa iyo qaraabadiisa iyo nin ciidan ahi ku qabtay bastolad ay ka dacweeyeen hogaanka ciidanka, waxaana xabsiga loo taxaabay askarigan iskudayey inuu dilo suxufigan.
Sikastaba Ha Ahaatee Arrintan Oo ugub Ku ah dalka Somaliland ayaan Ilaa Hadda laamaha Amniga Ee dalku wali ka Hadlin,
Maxamed Cali Xaashi News ayaa isagu ahaa wariye Inta badan ka faalooda Waxna Ka Qora Arimaha cadaalada ka Fog Ee Ka Dhaca Dalkan Somaliland.
Hargeysa News Desk
Codkahargeyas.com