Hargeysa, Somaliland – Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa dhagax dhigay waddo cusub oo isku xidhi doonta Sayladda Xoolaha iyo suuqa Waaheen ee magaaladda Hargeysa.
Wadadan ayaa waxa iska kaashaday dadweynaha xaafadda iyo Dawladda hoose ee Hargeysa, kaas oo ay shalay dawlada hoose ka bilowday olole lagu banaynayo wadadaasi cusub oo hal killomitir noqonaysa.
Maayarka Caasimadda ayaa dadweynaha uga digay inay wadooyinka soo galaan, isla markaana ay dayrar iyo guryo ka dhistaan wadooyinka dhexdoodda, isagoo sheegay in cidiii wadada soo gasha wax wada hadal ah lala yeelanayn ee laga duminayo.
Sidoo kale, Maayar Soltelko ayaa sheegay in wadadani isku xidhi doono saddex waddo jihooyibn kala duwan ka imanay, isagoo xusay in lix waddo laga hirgalin doonno degmadda Maxamuud Haybe taas oo qayb ka ah wadooyinka loogu tallogalay in caasimada laga hirgaliyo, isla markaana la samayn doono wadooyin Barri iyo galbeed u kala baxa.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Eng: Cabdibaasid Janno Galle oo ka mid ah guddida horumarinta xaafadan waxaanu sheegay in wadadan muddo sugayeen, isla markaana ay ku faraxsan yihiin dhagax dhiga uu maayarku dhagax dhigay.
Cabdi Baasid Janno Galle ayaa dadweynaha ugu baaqay inay la shaqeeyan dawladda hoose, isla markaana dadka guryahooddu soo galleen wadadda marka dayrarkooddda la duminayo ay soo dhoweeyaan maadaama oo wadooyin laga hirgalinayo.
“Wadadan waxa isku xidhi doonta Sayladda xoolaha iyo Suuqa waaheen, waxaana iska kaashan doonno dadweynaha xaafadda iyo dawlada hoose, waxaana maayarka uga mahad celinayaa dhagaxa jidkan cusub, waxaan dadweynaha usoo jeedinaya inay wadadda ka durkaan, isla markaana cidii waddo soo gasha ee laga burburiyaa aanay dhibaato kala hor iman dawladda hoose ee ay soo dhoweeyaan oo waliba xoolo u qalaan maadaama oo waddo loo samaynayo”ayuu yidhi guddidda xaafaddan Injineer Cabdibaasid.
Gudoomiyaha degmadda Maxamuud Haybe Yuusuf Colaad Seed ayaa sheegay in wadadan ka tahay qayb wadooyinka laga hirgalin doono degmooyinkan, isla markaana loo baahan yahay in dadweynuhu ka qaybqaataan horumarka xaafadahooga si wadooyin fiican u helaan.
Gudoomiyah oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Wadan oo qudha kuma koona waxa uu maayarku ballanqaaday in cidii ka shaqaynaysa horumarka caasimadda uu wax la qabanayo, imika lix waddo ayaa degmaddan laga hirgalinayaa, cidii aan waxba qabsan waxba lala qaban maayo, waxaan leeyahay dadweynaha xaafadan waa inaad qaybtiina ka qaadataan dhismaha wadooyinka”.
Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa sheegay in wadadani ka mid tahay wadooyin badan oo sanadkan laga hirgalin doono caasimadda, kuwaas oo u kala socon doono Barri iyo Galbeed, isla markaana fududeyn doonto isku socda caasimadda.
Maayarka oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Wadadan aanu banayno waa qayb ka mid ah wadooyinka u kala socda Barri iyo Galbeed ee magaaladda iyo xaafadan isku xidhi doonta, saddex waddo ayey wadan isku xidhi doonnta, runtii aad baan uga mahad naqayaa dadka xaafadan oo saaka markii aanu jid banaynta ku jirnay si fiican noola shaqeeyey, waxaana dadweynaha usheegayaa cid kasta oo waddo soo gashay wax wada hadal oo lala galayaa ma jiro, waana la duminayaa sidaa darteed waa inay iska ilaalinayaan in marka hore aanay wadooyinka ku soo durkin”.
Si kastaba ha ahaatee, dawladda hoose ee Caasimadda ayaa maalmahan dambe ku jirtay waddo banayn iyo in waddooyin cusub laga hirgaliyo degmooyinka caasimaddu ka kooban tahay.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI