Nairobi, Kenya – Xildhibaan hore oo ka tirsanaa golaha baarlamaanka dalka Kenya, Philip Godane ayaa sabtiddii shalay lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Syokimau ee gobolka Machakos ee dalka Kenya, iyagoo sabtiddii horana lagu khaarjiyey xildhibaan usoo shaqo tagayey baarlamaanka oo jid-geeyo loo dhigay.
Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan oo aan la garanayn ay ugu dhaceen gurigiisa 2:00 habeenimo ee habeen hore waqti ay isaga iyo qoyskiisuba jiifeen dabadeedna ay ku fureen xildhibaankan hore rasaas, taasoo keentay inuu isla goobta ku dhinto.
Saraakiisha booliiska Kenya ayaa intaas ku daray in kooxaha hubeysan ay isku dayeen inay dhacaan qoyska, balse markii ay iska-caabin kala kulmeen ay toogteen oo dileen Godane, balse wax dhibaato ah kama soo gaadhin weerarkan xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo uu dhalay.
Dilkan ayaa wuxuu deegaanka Syokimau ka abuuray xiisad kacsanaan ah; iyadoo shacabku ay dibadda u soo baxeen, xilli ay ka cabanayaan inay xaaladda ammaan ee deegaankoodu noqotay mid aad u sii xumaanaysa.
Taliyaha booliiska gobolka Machakos, Gideon Amalla ayaa shalay booqday guriga xildhi-baankaasi hore ee toogashada lagu dilay, isagoo suxufiyiinta u sheegay inuu uga tacsiyeynayo qoyska dilka Godane.
Si kastaba ha ahaatee, Sabtidii hore ayay ahayd markii kooxo hubeysan oo watay gaadhi ay toogasho ku dileen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka wadanka Kenya oo laga soo doortay deegaanka Kabete oo magaciisu ahaa George Muchai, iyadoo lala dilay laba ilaaladiisii ah iyo darawalkiisii, mana jirto cid weli loo soo qabtay dilkaas, taas oo noqonaysa in sabtiyaddu noqoto maalin la khaarjiyo xildhibaanadda Kenya.