Abu Dhabi, UAE – Cidamadda baada dalka Kuwait ayaa markaab shidaal siday ka badbaadiye koox budhcad badeed oo Soomaali ah, sida ay wakaladda wararka carabta ay bahiyeen.
Markaabkan oo laga leeyahay dalka Kuwait gar ahaan shirkada Kuwait Oil Tanker Co. ayaa sheegtay mid ka mid ah maraakiibteda oo werar ay ku qadeen koox budhcaad badeed Soomaali ah markaabkas uu marayee meel u dhow xeebta dalka Djibouti. Mamulka shirkada waxa kalo ay sheegen shaqalaha markaabka ee Burgan Tanker oo iska caabiyee budhcaad badeeda cidna kumay dhawaacmin, sida uu xaqijiyee shabakada wararka bariga dhexe ee Newsline.
“Shaqalaha markaabka Burgan Tanker waxa isku difaceen sii wafaaqsan shuruucda uu dhigeyoo sharciga calaamiga ee amniga uu yaala baad mareenada aduunka.” Sidana waxa yidhi Talal Al Khaled oo ah madaxa shirkada Kuwait Oil Tanker.
Isku daygan werarka ah ay kooxdan budhcad badeeda Soomaalida ay qadeen bishan February 8 inay afduuban markaabkan ay leedahay shirkaad xarunteedu ku taalo dalka Kuwait. Waxa kalo uu wararku sheegayan inn uu markaabkani uu siday ugu yaraan 40,303 ton oo shidaalka diyaaradaha, waxana uu dhex marayee biyaaha gacaanka cadmeed una sii jeedaa teermiinaalka dekadda Djibouti.
Masuuliyiintasi oo sheegay inn cidamada baada india, oo ka mid ah la degaalanka budhcad badeeda la hawlgalaa biyaaha gacaanka cadmeed ayaa ka qayb qataay difaacida markaabka Burgan Tanker ay werareen kooxda budhcaad badeedaa ah. Waxana ay shegeen budhcad badeedan ayaa ku soo dhowaday iyagu wataa afar laash oo kala duwan.
“Cidaankan oo u tobabaran iska difaaca weraradan oo kale laguna talo galay inay xaladahan oo kale markaabka dushisa ay laa kulman shaqalaha maraakiibta, kooxdan budhcaad badeeda ah waxay ay wateen afar doonyaha laashshka ah.” Sidana waxa yidhi masuul ka tirsan shirkada isagu uu waramayaa wakalada wararka Kuwait News Agency bishan February 9.
Werarada kooxaha Budhcad badeeda oo sii weyn hoos uu dhacay laga bilaabo sanadkii 2011 ila sanadkii 2014 biyaha gacaanka cadmeed, lakinse bishan February 2015, laba markaabtiita shidaalka qaada oo ay werareen kooxo budhcad badeed ah, lakinse ku guuldaraysten werarkaas.