Garowe, Puntland – Shirkaada shidaalka ee Horn Petroleum ayaa shaqaadi ka waday qaar ka mid ah degamada mamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ka dib markii ay go’an ay wada qateen dowlada dhexe ee federaalka Soomaaliya ee cassimadda Muqdisho eek u sabsaan heshisyada qandraaska ay kula jirtay xukumadda gobolka Puntland.
Mamulka shirkada Horn petroleum ayaa wargelisay xukumada Puntland (Somalia) inn ay shirkadu inay yaraynayso hawlaheeda shaqo iyo xafiskeeda ku yaalo magalada Bossaso, ee Puntland, iyagu sheegay inay ka dhamaan ka foganeyaan hawlihii shaqo ay ka wadeen ila iyo xal laga gadhayo khilaafka siiyaasadeed ee uu dhexeya mamul goboleedka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya eek u sabsaan qandraasyadda lalaa galayo shirkadaha Shiidaalka ah.
Waxa kalo mamulka shirkdaasi ka hadleen dedaalada ay qadeen ila maalinti sahaminta ka bilaabeen deganada Puntland, ay codsadeen lo kordhiyo mudadii heshiska uu ahaa lagana dhigo mudo laba sanadod ee sahaminta, ila xaal laga gadhayo khilaafka siyasadeed.
Horn Petroleum Corporation oo ah shirkad shidaalka iyo gaasta-ba ka shaqeysaa saami na ku leh ceelasha shidaalka mamul goboleedka Puntland %60, eek u kala yaala block Dharoor iyo Nugaa, iyadu sahaamintodu dhaftay ceelsha shidaalka dalka Yemen.