Xildhibaan Maraykanka Oo xukuumadoodda Ka Dalbaday In Laga Noqdo Joojinta Xawaaladaha Soomaalida

0
363

Mineapolis, Maraykan – Xildhibaanka laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Keith Ellison oo ka hadlayay Congress-ka Mareykanka ayaa ugu baaqay xukuumadda Mareykanka inay dib uga laabato go’aankii lagu xidhay xawaaladaha Soomaalida Mareykanka ee lagu soo rogay xayiraadda, taasoo uu sheegay inay caqabad weyn ku noqonayso shacabka Soomaaliyeed ku nool gudaha Soomaaliya.

Mudane Keith Ellison ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay haatan kasoo kabanayaan dhibaatooyinkii horay ugu dhacay, balse xayiraaddan cusub ay sababi karto dhibaatooyin kale oo Soomaaliya ka dhaca.

“Somali faro badan ayaa ku tirsanayd dhaqaalaha ay ka helaan eheladda dibadda ku nool, gaar ahaan kuwa ku nool Mareykanka, sidaas daraadeed waaxan dowladda Mareykanka ugu baaqayaa inay si deg-deg ah uga laabto go’aankii lagu xidhay xawaaladaha,” ayuu ka sheegay Ellison fadhigii golaha Congress-ka Mareykanka.

Ellison oo ah xildhibaanka keliya ee Muslimka ah ee ku jira Congress-ka Mareykanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in lacagaha loo diro Soomaalida gudaha ku nool ay gaadhayso 215 Milyan, taasoo ah biil, halka dowladda Mareykanka ay 200-milyan oo doollar uu gargaar ahaan u siiso Soomaaliya; taasoo uu xusay in ay ka badan tahay dhaqaalaha Soomaalida Mareykanka ku nool ay ehelada Soomaaliya kaga sugan u diraan.

“Xidhidda xawaaladuhu caqabad weyn ayay ku noqonaysa shacabka gudaha ku nool, taasna waxaa caddeyn u ah dhaqaalaha deeq ahaanta loo siiyo Soomaalida oo aad uga badan tan ay ehelladooda uga diraan dibadda,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaankan.

Si kastaba ha ahaatee, difaacidda xildhibaan Keith Ellison ayaa ka dambeeyey ka dib markii bangigii keliya ee xidhiidhka ay la lahaayeen xawaaladaha Soomaaliya ee ka howlgala dalka Mareykanka uu bishan lixdeedii joojiyay xidhiidhkaas.