Taliyaha Booliska Oo Sheegay In Lagu Guulaystay Hawlgalkii Wax Lagaga Qabanayay Dhalinyaradda Dhibaatada Shacabka

0
391

Hargeysa, Somaliland -Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan ayaa Sheegay inay guullo ka gaadheen hawlgaladdii dhalinyaradaha rabshadaha ka waday magaaladda Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal, ayaa sheegay in xaafadihii magaaladda laga dareemay amni, isla markaana la balaadhin doono saldhigyadda iyo rugaha booliska si markiiba wax looga qabto rabshadaha dhalinyaradda.

Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Qofkasta oo Bulshad ka Mid Ahi waxa uu dareemay amaanku waxa uu yahay inuu Nabadna ku Seexdo Kuna Soo Tooso, waxaana noo qorshaysan in Saldhigyada iyo Rugaha Ciidanka La balaadhiyo oo hadba waxa ay Duruufto noo Saamaxdo Dhisno,waana Qorshe wanaagsan,Halkii Aanu meel dheer uga Gurman Lahayn waxa ka fiican in goob kasta laga helo Rug Am saldhig Boolis.”

Taliyaha ayaa sheegay in dhalinyarta oo dhan lagu dabo jirin, balse kooxo la yaqaan oo rabshadaha sameeya loo jeeddo, isagoo arrintaasi sharaxaya waxa uu yidhi “cid Ciidanku ku daba Jiraan Maaha Ciidan oo dhan,Maaha Koox oo dhan,Laakiin waa Qaar Qorshaysan oo Nabad Galiyada wax u dhimaya, Hawl Galkaas Ciidanku Meel Fiican ayuu Marayaa,Qof kasta Marka Ay ciidanku Qabtaana,Sharciga ayaa Ciidanku Hor keeyaan Maxkamada iyo Xeer ilaalinta.”

Taliye Fadal ayaa sheegay in qaar badan oo baxsaday markii waalidkood la qabtay ay isa soo dhiibeen qaar kalana waalidkood usoo gacan galiyeen, waxaanu yidhi“Waxa jira Markii uu Hawl Galka Ciidanku Adkaaday in Dad Badan oo waalidkood Xabsiga La dhigay in ay yimadeen sharcigan isku soo dhibeen,Qaar kale oo Waalidkood Keenenba way jiraan Marka uu Hawl Galka Ciidanku is Daba joog noqday.”

Taliyuhu waxa uu intaas ku daray “Ciidanku Waxa uu qabtaa wax kasta oo Amniga lid ku Ah iyo kuwa Kooxa Kooxaha isku Laaya  Ama bulshada Dhibateeya ee dhaawac-yada Gaystay ee dadka booba Ayaa Ciidanku Qabtaan Laakiin Qofna La iskama Soo taago.”