Soomaali lagu dilay dalka Canada

0
384

Alberta, Canada – Wiil Somali-Canadian ayaa lagu dilay gobolka Alberta ee dalka Canada, wiilkan da’disa lagu sheegay 27-jir magaacisana la odhan jirey Mustaf Faarax Mataan oo qof ann laa aqoonsan kana baxsaday ayaa ila iyo hadda la garanayn.

Mustaf ayaa la sheegay inuu ku dhashay dalka Saudi Arabia oo qoyska uu ka dhashay uu soo guureen dalka Canada sanadkii 1991 sidina uu degnayeen, halkaasoo uu muddo ku noolaa isaga iyo walaalkii Axmed Faarax Mataan uu sheegay ciida dishay walaalki isagoo guriga jooga rasaas lagu furey.

“Dhismaha lagu dilay inaankan waxaa la deggenaa dhallinyaro kale, waxaana uu dilkaasi uu dhacay abaaro 11:00 habeenimo wakhtiga Canada, waxaana dhallinyaradii gurigaas ay ii sheegeen in qof albaabka soo garaacay, isagoo donayay inuu albaabka furo, balse intii anuu gadhiin ayay laba xabadood ku dhaceen, sidaasna uu geeriyooday,” ayuu yidhi Cabdiqani Xuseen Baynaax oo ah suxufi madax banan oo warramayay idacadaa VOA.

“Booliisku waxay sheegeen in dilkan uu yahay mid ay weli ka shaki badan ku jiro walina badhiisti ay soo socoto, inta badhistu ay socoto ayanay dambi badhayasha inay ka hordhicin.” ayuu hadalkiisa ku daray wariyee Cabdiqani Xuseen baynaax.

Ugu dambeyn, wariye Cabdiqani Baynax ayaa sheegay in ila imika waxa la diley shan qof oo Soomaali dalka Canada intii u dhexayse bishii December ee sannadkii hore 2014 iyo wakhtigan oo ay gabi ahanna yihiin dhallinyaro.

HALKAN KA DHEGAYSO: