Hargeysa, Somaliland – xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa si adag u canbaareeyey xadhiga lagula kacay wariye Maxamed Cabdilaahi Faarax (Soo Fadhiiste) iyo hay’addaa warbaahineed ee ilaa hada xidhan.
Warsaxaafadeed uu soo saaray xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilahi ayaa lagu sheegay inuu xisbiga Ucid si weyn u canbaaraynayo xadhiga wariyahaas oo uu sheegay in aan loo marin sifo sharci ah.
War-saxaafadeed ay arrintaasi ka soo saareen ayaa u qornaa sidan “Waxa marag ma doon ah in Madaxweyne Silaanyo sii adkaysanayo Xadhkaha Awoodeed kelitalisnimada Oo lagu Naafaynayo nidaamka Demoqraadiyadeed ee Dalkan rukunka u ahaa, iyadoo Xaaladda Xorriyatul qawlku ku sii siqayso heer lagu soo afjarayo jiritaanka Warbaahin Madax bannaan oo ka sii hawlgasha Somaliland.
waxaana Xukuumaddan wakhtigeedu sii Dhamaamnayo Ay laban laabtey Xadhigga iyo Cabudhinta madaxbaanida suxufiyiinta dalka Oo in badani ku silcayaan xabsiyo kala duwan
dhamaan gobollada dalka.
Madaxbannanida Saxaafaddu waa arkaanta ugu waaweyn ee bulshooyinka xort ah ee demoqraadiga, waana waxa ugu weyn ee Distoorka Somaliland u damaanad qaaday shacbiga dalkan iska leh.
Hadaba Iyadoo laga duulayo xeerka saxaafadda dalka, xaqa xorriyatul qawlka iyo qoraallada Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxa uu si kulul u Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah isla Markaana aan meelna ka waafaqsanayn Shuruucda dalka ee Markii Sadexaad loo geestey Wariye Maxamed Cabdilaahi Faarax (Soo Fadhiiste) Isaga Oo Hawl Maalmeedkiisa Shaqo Ee Gobolka Saaxil Gudanaya ay Ciidamada Booliska (policeka) Ee Gobolka Saaxil Xabsiga U Taxaabeen Kuna Xidhan mudo dhawr maalmood ah Maxkamadla,aan iyadoo aanay ilaa hadda sheegin caddaymo la xidhiidha xoriyad ka qaadka suxufiga,Iyada Oo Uu Amarka Bixiyey Maareeyaha Dekeda Berbera (Cali Xoor Xoor) oo ah Adeegaha ugu weyn ee fududaynta xatooyada hantida Qaranka.
Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Qabaa In Xadhiga Wariyayaasha Madaxa Banaan Uu Yahey Mid Lagu Sadqeynayo Xoriyotul Qawlkii Qarankani 23 Sanadood Ku Soo Caano Maaley, Isla Markaana Lagu Wax Yeelaynayo Nidaamkii Dimuqraadiga ahaa Ee Aynu Dhawreyney Mar Walba.
Xisbiga Ucid Waxaa Uu Xukuumada Ku Waaninayaa Iney Iska Dayso Hab Dhaqankan Soo Noq noqdey Ee Ah Cabudhinta,Cago- Jugleynta,Handidaada,Hanjaabada,Jidh Dilka iyo Xadhiga Ee Ay Ku Hayso Saxaafada Madaxa Banaan JSL.
Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadooda Ugu Soo Celiso Wariyaha Madaxa Banaan Ee Sifaha Sharci-Darada Ah lagu haysto Wariye_ Maxamed Cabdilaahi Faarax (Soo Fadhiiste).
Saxaafada Madaxa_Banaana Waxaanu Ugu Baaqeynaa In Ay Isu Hiiliyaan iskuna Xidhnaadaan Una Midoobaan Xukuumada Talada Haysa Oo Sifo Sharci Daro Ah Ku Xidh Xidheysa Maalin Walba”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga UCID.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI