Boorama, Somaliland – Magaalada Qulujeed ayaa haatan deggen ka dib maalin iyo habeen dadweynaha magaaladaasi ay la soo derseen cabsi iyo amman darro ka dhalatay weerar koox dabley ahi magaalada kaga soo qaadeen dhinaca soohdinta Itoobiya ciidanka qaranka ee halkaa ku suganina iska difaaceen .
Kooxdan weerarka kusoo qaaday magaalada doraad cabbaare 10:39 subaxnimo ayaa lagu xidhiidhinayaa inay ka tirsanyihiin maleesiyada Suldaan Wabar, kaasoo hore ugu baaqay dagaal ka dhan Somaliland. Wararka kasoo baxaya qaabka weerarkaasi u dhacay iyo sida loo caydhsaday Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa ah kuwa kala duwan, dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in koox dablay ah oo deegaanka ah tiradooduna gaadhayso ilaa toban nin hadh cad iskaga soo galeen magaalada, iskuna dayeen inay boobaan gaadhi qaad siday, nin ka mid ah ciidanka qaranka oo halkaa joogeyna toogtaan qorigana ka qaataan, hase yeeshee koox kale oo isla ciidanka qaranka ah ayaa ku dhaqaaqdey inay qabqabtaan maleesiyada iyo qoryahoodaba waxayna taasi keentay rasaas la isweydaarsaday, taasoo uu ku dhaawacmaya hal askario oo ka tirsan ciidanka, maleesiyadaasina cagaha wax ka dayeen, iyaddoo markii ciidanka qaranku caydhsaday laga soo qabtay ninkii kooxdaasi watay ee rasaasta Bilaabay, iyadoo goobtaana ay ku dhaawacantay haweenay shicib ah oo kale.
Ma jiraan wax war oo ku saabsan dagaalkaasi oo kasoo baxay dhinaca maleesiyada iyo dhinaca dawladda midkoodna inkastoo ay habeen hore halkaa gaadheen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada sida ay sheegeyaan warar an la xaqiijini.
Magaalada Qulujeed oo ah hoyga madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale isla markaana lagu caleemo saaray suldaan Wabarka ku baaqay la dagaalanka Somaliland ayaa haatan ah xuddunta weerarada maleessiyada taabacsan isaga iyo saldhigga ciidanka qaranka ee laga difaaco soohdinta dalka .
Sul.Wabar ayaa sida ay sheegeyaan warar aan la xaqiijini isagu haatan ku sugnayn xarumaha uu uga taliyo maleesiyo beeleedka ama dalkaa deriska ahba lamana sheegin meel uu uga kicitimay,waana weerarkii labaad ee loo tiriyo kooxdiisa tan iyo intii uu ka baxay dalka ,waxana ka horreeyey weerar lagusoo qaaday saldhigga bileyska Boorama bil ku dhawaad ka hor .
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI