Waalidiinta Ubadkooda Boolisku Xidhay Oo Xukumadda Codsi U Diray iyo Taliye Fadal Oo Sheegay In Bulshadu Nabad Darreentay

0
379

ARDAYDA-MUDAHARAADAY-300x225

Hargeysa, Somaliland – waliidinta ee dhalay dhalinyarada ku jirta xabsiyadda magalada Hargeysa, ee cidamadad bileysku ku qabteen hawlgaloo malimaahan ka fulinayeen xafadaha, ayaa codsaday inaan Ubadkooda la gayn Meelaha Fog-fog ee Boolisku damacsan yahay in loo qaado.

Haweenkan oo Hargeysa Saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay inay haatan Ubadkoodu ugu xidhan yihiin Hargeysa,wax dhib ahna aanay ku qaban islamarkaana aanay doonayn in laga geeyo Gobolada fog “Waxaanu nahay Hooyooyinka Kuwa yaryar ee Diyaanada(Kooxda Diyaana), ee la soo Eedeeyay, imika ma jiraan wax dhib ah oo lagu hayo laakiin, waxaanu codsanaynaa inaan nalaga fogayn Caruurta”ayaa ka mid ahaa Hadalka Hooyooyinkan.

Waalidiinta ayaa sheegay in Haatan Ubadkooda loo sii daayo Cuntadana ay u geeyaan “Waxaanu Nahay Waalidka Qolada Duufaan, Caruurtayada si fiican baa naloogu hayaa,lamina jidh dilin dhib kalena looma gaysan laakiin Waxaanu Madaxweynaha Taliyaha Booliska iyo Wasiirka Daakhiliga ka codsanaynaa maadaama aanu nahay Agoon, Shilinna aanaan u hayn in Meel dhaw oo Caruurtaas aanu ka gaadhi karro naloo geeyo”

Hadalka Hooyooyinkan ayaa marka la isku soo wada duubo Biyo dhaciisu yahay inaan Ubadkooda la gayn Gobolada Fog-fog iyo Jeelasha kale sida Mandheera oo Xukumaddu la maagan tahay in la geeyo Dhalinyarada la xidhxidhayo.

Dhanka kalena Taliyaha Booliska, Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal.ayaa sheegay in Bulshadu dareentay Nabada iyo deganaanshaha tan iyo markii hawlgalkani bilawday walina la sii wadi doono ““Qofkasta oo bulshad ka mid ahi waxa uu dareemay ammaanku waxa uu yahay, inuu nabadna ku seexdo kuna soo tooso,waxaana noo qorshaysan in saldhigyada iyo rugaha ciidanka la balaadhiyo oo hadba waxa ay duruufto noo saamaxdo dhisno,waana qorshe wanaagsan,halkii aanu meel dheer uga gurman lahayn waxa ka fiican in goob kasta laga helo rug ama saldhig Boolis” ayuu yidhi Taliyaha oo dhagax dhigayay Saldhig Degmada Maxamuud Haybe ee Hargeysa laga dhisayay.

Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalkan lagu beegsanayo dad gaar ah “cidda ciidanku ku daba jiraan maaha cid walba, maaha kooxaha oo dhan,laakiin, waa qaar qorshaysan oo nabad galyada wax u dhimaya,hawl galkaas ciidanku meel fiican ayuu marayaa,qof kasta marka ay ciidanku qabtaana,sharciga ayaa ciidanku hor keeyaan maxkamadda iyo xeer ilaalinta” ayuu yidhi Taliye Fadal

Ciidanka Booliska ayaa Muddooyinkii u dambeeyay ku guda jiray hawlgal laxaad leh oo lagu beegsanayo Kooxo iyo Dhalinyaro bulshada ku dhibay dariiqyada ama kooxo kooxo isku dilayay. Laamaha amaanka ayaa hore u sheegay in la gayn doono meelo aan Waalidkood ka gaadhin sida Gobolada Bariga fog.