Madaxweynaha Soomaaliya Oo Awoodi Waayay Inuu Kalfadhiga Baarlamaankiisa Soo Xidho Iyo Sababta

0
371

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa shalay arrimo caafimaad ugu amabaxay dalka Jarmalka, sida ay xaqiijiyeen wararka hoose ee laga helayo madaxtooyada Soomaaliya.

Kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo ahayd inuu soo xidho madaxweynuhu ayanu u suurugalin, isla markaana si deg deg ah ugu anbo baxay dalka Jarmalka si uu arrimo caafimaad ugu tago.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia uu muddo 10-casho ah ku maqnaan doono dalka Jarmalka, iyadoo safarkiisa Jarmalka uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu ku tago dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  shalay  ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Xamar, iyadoo la sheegayo inuu sii mari doono dalka Turkiga oo ay ku sugan yihiin carruurtiisa una sii gudbi doonno dalka Jarmalka.

Sanadkii hore ayay ahayd markii madaxweyne Xasan uu sheegay inuu Turkiga uu u tagay arrimo caafimaad maadaama uu muddo shaqeynayay, isagoo sheegay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay, kaddib markii ay qaar ka mid ah warbaahintu baahisay inuu xanuun aad u daran hayo.

Si kastaba ha ahaatee, weli madaxtooyada Soomaaliya faahfaahin rasmi ah kama bixin xanuunka uu madaxweynuhu ugu dhoofay dalka Jarmalka, iyadoo ay noqonayso markii labaad oo uu safar caafimaad dibaddad ugu baxo tan iyo markii xilka loo doortay.