Ballli-Cabanne, Somaliland – Walxo aan la aqoonsan ayaa lagu arkay duleedka magaaladda Balli Cabanne ee gobolka Hawd ee koonfur galbeed ee magaaladda Hargeysa.
Walaxdan ayaa dadka deegaanku sheegayaan in diyaaradi ku soo tuurtay dhulka, isla markaana aan illaa hadda la garanayn waxay tahay iyo waxay ka kooban tahay.
Walxahan ayaa ku soo dhacay meel shan killo mitir ka xigta galbeedka magaaladda Balli Cabanne, taasina waxay dadkii ku abuurtay cabsi iyo welwel maadama oo aanay aqoonsan waxa uu yahay.
“Bishan todobadeeddii ayey diyaaraddi ka timid dhinaca koonfurta waxaanay hawadda ku qarxisay walax dhawaaqeedda meelo durugsan laga maqlayey, waxaana dhulkii ku soo daadisey walxo yaryar markiiba waxa yimid gudoomiyaha degmadda iyo gudoomiyaha gobolka Hawd waxaana alaabtii intay qaar ururiyeen la tageen dhinaca Hargeysa”. Ayuu yidhi goob-jooge ku sugnaa magaaladda Balli cabanne oo Wargeyska Saxafi ugu waramayey khadka Telefoonka.
Haseyeeshee si aanu arrintan war faahfaahsan uga helno ayaanu khadka telefoonka wax kaga waydiinay gudoomiyaha degmadda Balli Cabane kaas oo ka gaabsaday, isagoo xusay in aanu awood u lahayn inuu ka hadlo, balse ii xaqiijiyey inay walxahaasi jiraan oo dawladdu baadhitaankeedda ku daba jirto.
Badhasaabka gobolka Hawd iyo gudoomiyaha degmadda Balli Cabane ayaa iyagu maalmahan u joogay magaaladda Hargeysa inay ku soo wargaliyaan walaxdan qaraxday ee diyaaraddu ku soo tuurtay deegaankoodda.
Magaaladda Balli Cabane ayaa ku taala meel u dhow xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya, waxaanay xukuumaddu gaar ahaan wasaaradda Arrimaha guduhu baadhitaan ka waddaa walxaha diyaaraddu ku soo daadisay deegaanka oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.
Badhasaabka gobolka Hawd iyo wasiirka Arrimaha gudaha Cal Waran Caddo oo isku daynay in aanu la xidhiidhno ayaanay noo suurogalin ka dib markii khadka Telefoonka ku waynay.
Si kastaba ha ahaatee, goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in walxahan inta aanay dhulka ku soo dhicin qarxeen, isla markaana diyaaraddii magaaladda u dhaaftay dhinaca waqooyi.