Hargeysa, Somaliland – Ugu yaraan 200 oo qof muhaajiriin ah ka soo kala jeeda qaarada Afrika ayaa ku dhintay xeebtaa baad weynta Mediterranean-ka. Hay’adda qaxoontiiga Qaramada Midoobay UNHCR ayaa sheegtay inn ay 100 kale oo qof lagu la’yahay maditerranean-ka, iyagu intooda badan ay saarnayeen doonyo yar yar oo xaadhkaha soo goostay maalinti sabtidii ina soo dhaftay kanaa soo baxay dalka Libya.
Waxana wararku sheegayan inn donyaaha yar yar ay u sii jeeden ama doonayeen inay gadhan xeebtaa dalka Talyaaniga. Tirada Doonyahan ayaa ahaa afar, waxaana la helay saddex ka mida 4taas.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 29 qof ay ku dhinteen mid ka mid ah doonyahaasi maalinti Axadda, inkasto la badbaadiyay 110 qof. Laakiinse labadii doonyo ee kale ayaa laa sheegaya ayaa ku dhintay ugu yaraan 116 qof, waxaana ka badbaaday 9 qof oo kaliya.