Hargeysa, Somaliland – Wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa shaacisay wakhtiga ay qabaan dona ciyaaraha gobolada ee sanadkan 2015, sida ay ku sheegen war saxafadeed uu soo saaray wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland Cali Sicid Raygal.
Sanadkii 2013 oo ugu dambaysay ciyaaraha gobolada oo mushtamaaca ka dhalisay xiisoyin kala oo xamaasidaysan, ayaa shacbka reer Somaliland is waydinayeen inn ciyaarihi gobolada ee sanadki 2014 ciyaaraha gobolada laa qaban dono, lakinse anay wasarada ciyaaruhu uu suurta gelin inay qabato ciyaaraha gobolada, islamarkaana wax tafaasiil ah ka bixin sababta ay uu qaabsoomi wayeen ciyaaraha goboladu ee sanadkii 2014?
Warsaxafadeedka ay wasarada ciyaaraha iyo dhalinyaradu ku shaacinayso sanadkan 2015 wakhtiga ay qaban donan ciyaaraha, halkan hoose ka akhriso:
War Saxaafadeed: Xilliga Uu Qabsoomayo Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland
Ka: Wasiirka Wasaaradda DHC&Dalxiiska JSL =Hargaysa=
Ku: Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda DHC&Dalxiiska JSL =Hargaysa=
Ku: Guddida Olombikada Qaranka =Hargaysa=
Ku: Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL =Hargaysa=
Ku: Maayaradda iyo Badhasaabada Gobollada Dalka =Rugahooda=
Ku: Saxaafadda Dalka =Rugahooda=
Og: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda DHC&Dalxiiska JSL =Hargaysa=
Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyada oo ka duulaysa siyaasada xukuumada iyo dar-dar gelinta shaqada ay hayso waxay halkan ku shaacinaysa wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.
Sida aynu ka war-hayno tartankani ma uu qabsoomin sannadkii hore tabaabusho iyo diyaar garaw xoogan oo ka duwan kuwii hore awgeed, waxaa tartanka ciyaaraha gobolladu uu qabsoomaya haddii Alle Yidhaahdo bisha August sannadkan 2015. Wakhtigan aanu u cayimnay qabsoomida tartankan oo ah ka ugu baaxada weyn Dalka ayaa ay wakhti munaasib ah oo aanu ka eegnay dhinacyo baddan, waa wakhti hadii Eebe Idmo ay bisha Ramadaan dhamaatay iyada oo dhanka kale guud ahaan Ardaydu ay fasax sannadeedka ay ku jiraan halka sidoo kale ay dalka yimaadaan Qurbo jog aad u tiro baddan.
Haddaba waxaanu faraynaa cid kasta oo ay khusayso sidoo kalena aanu wada shaqayn leenahay inay ku diyaar garoobaan inta ka hadhay muddadaas aanu shaacinay.
Hadda laga bilaabo tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu noqon doonaa mid labadii sannaba hal mar la qaban doono Insha Allah. Waxaanan rajaynayaa in tartankan soo socda iyo kuwa ku xigaaba inoogu qabsoomi doonaan hanaan qurux baddan oo nabad-galyo iyo xasilooni ah.
ALLAA MAHAD LEH
Cali Siciid Reygal
Wasiirka WHDC & Dalxiiska