Hargeysa, Somaliland – Mujaahidad Sahra Halgan ayaa waxaa ay qalab ciyaareed oo dhameystiran ayay gudoonsiisay koox ciyaareed oo ka mid ah kooxaha ka ciyaara xaafada bebsiiga ee maagalada Hargaysa.
Sahra Halgan Ayaa Waxaa Ay Sheegtay in Ay Maanta Farxad Weyn U Tahay in Ay Agabkan Ciyaareed Ay Gudoonsiiso Kooxadan Ka Ciyaarta Xafada Biibsiga Iyada oo kaashaneysa xisbiga mucaaridka ah Wadani
Waxana Ugu Horeyn Iyada Oo Ka Hadleysa Waxyaabihii Ku Dhaliyey In Ay Qalabkan Ciyaareed Ay Gudoonsiiso Kooxadan Ay Waxaa Ay Ku Bilowdey “ Waxaa Aynu Maanta Halkan Iskugu Nimid Koox Dhalinyaro Ah Oo
La Yidhaahdo (Ifiso) Kana Ciyaara Xaafada Biibsiga Waa Xafada (Hido-Dhawr) Ka Furan Yahay Waxaana Aan Halkan Ku Gudoon Siin Doono Qalab Ciyaared Oo Dhamays Tiran Dhalinyaradani Waxaa Ay Halkan Iigu Yimadeen Bishii 11 Naad Ee Sanadkii Hore Iyaga O Doonaya In Laga Caawiyo Qalabka Ciyaaraha Aniga Shaqsi Ahaan Balan Qaad Ayaan U Sameeyey Aniga Oo Sahra Ah Iyo (Hido-Dhawr) Ka Wakiil Ah Maantana Waxaa Aynu Halkan Iskugu Nimid In Aynu Dhalinyaradii Balantii Aaan U Qaadey Aniga Sahra Ahaan Aan Fuliyo Iyaga Oo Ay Dad Badani Ka Qeyb Qaaten Ha Ugu Horeeyo Xisibiga Wadani Iyo Shaqsiyaad Kaleba.
Waxaa Sharaf Ah In Maanta Waxii Aan Ugu Balan Qaadey Ee Ay Iga Doonayeen Aan Maanta Halkan Ka Gudoonsiiyey Waxaanan Aan Odhan Karaa Dhalinyaradani Waa Dhalinyaro Lagu Deydo Oo Anigu Sahra Ahaan Aan U Markhaati Furaayo Waxan Jecelahay In Aan Agabkan Ciyaared Aan Ku Wareejiyo Iyada Oo Dhinca Kale Xisbiga Wadani Ay U Soo Wakiisheen Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbigaasi Maxamed Sadiiq Oo Halkan Inala Jooga. “Ayey Tidhi mujahiidad Sahra Halgan.
Sidoo Kale Waxaa Isna Halkaasi Ka Hadley Madashana Ka Yidhi Hadlo Kooban Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xibiga Wadani Maxamed Sadiiq Dhame Oo Xisbiga Wadani U Soo Wakiishay In Uu Xaflad Uga Qeyb Galo Ka Xisbi Ahaan Waxana Uu Ugu Horeyn Uu U Mahad Celiyey Mujaahidad Sahra Halgan Oo Uu Sheegay In Ay Hawshan Xil Weyn Oo Baladhana Iska Saartey Waxaana Uu Ku Bilaabey Hadalkiisi “ Marka Hore Waxaa Aan U Mahad Celinayaa Mujaahidad Sahra Halgan Ah Mulkiilaha Hotelka (Hido-DHawr) Runtii Waxaa Ay Masuulyad Weyn Iska Saartay Hir Galinta Qalabkan Aynu Arkeyno Sidii Loogu Iibin Lahaa Dhalin Yaradan.
Qalabkan Ayaa Waxaa Uu ka Kooban Yahay 38 (Sideed Iyo Sodon) Garan Iyo 38 (Sideed Iyo Sodon) Beer Oo Ah Kabaha Lagu Ciyaaro Runtii Anaguna Ka Xisbi Ahaan Qeyb Baanu Ka Aheyn Dareenkan Ay Sahra Halgan Curisay Aniguna Ka Xisbi Ahaan Waxaanu U Taaganahay Kobcinta Iyo Tayeenta Dhalinyarada Waxii Aanu Awoodno Waanu La Qabanaa
Ilaa Hadana Siyaasad Cad Oo Xukuumada Somaliland U Sameeysay Dhalin Yarada Somaliland Ma Jirto Runtiina Wasiirka Wasaarada Ciyaarahu Waa Uu Ku Fashilmay Hogaamintii Dhalinyarada Iyo Wasaarada Oo Saxiib Dhow Lamuu Noqon Dhalinyaradii Uu Masuulka Ka Ahaa Ee Siyaasad Ahaan Shaqadiisu Aheyd Waxaanan Ugu Baaqeynaa In Wasiirku La Damqasho Noqdo Dhalinyarada Somalilad Masuulyadana Waxaa Ay Masuulyadii Wasaarada Balse Masuulyiintani Waa Ay Is Xilqaameen Uun. “ Ayuu Yidhi Godoomiyaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Maxamed Sadiiq (Dhame).
Ugu Danbentii Waxaa Munaasibada Ka Hadley mid Ka mid Ah Dhalinyaradii La Gudoonsiinayey Agabka Ciyaareyd Waxaana Uu Sheegay In Ay Aad Iyo Aad Uga Mahad Celinayaan Mujaahid Sahra Halgan Oo Ugu Deeqday Agabkan Ciyaareyd.
Halkan Ka Dawo: