“Dadka reer Somaliland Waxaan Ugu Baaqayaa inay Qarankooda sii Horumariyaan”Sarkaal Itoobiyaan Ah Oo Door Ku Lahaa Halgankii SNM

0
355

“Haddii ay jirto cid jecel inay kaalintii aan ku lahaa halganka igu xasuusato, waxaan u arki doonaa inay dadka reer Somaliland yihiin dad abaal celiya, haddii kalena waan ku faraxsanahay.”

Hargeysa, Somaliland – Sarkaal ka tirsanaan jiray ciidamadii dalka Itoobiya, gaar ahaana haysan jiray qaybta afraad ee ciidamada dalka Itoobiya sannadihii sideetamaadka ayaa ka waramay rajadii uu ka qabay halgankii SNM iyo sida uu ku dhamaaday.

Sarkaalkan oo magaciisa la yidhaahdo Kornayl Xuseen wuxuu ahaa taliyaha hawlgelinta ee qaybta afraad ee ciidamada Itoobiya oo saldhigeedu ahaa meesha la yidhaahdo Nagaylay, halkaasi oo ku beegnayd saldhigiyadii SNM-tu ku lahayd Koonfurta dalka Somalia.

“Berigii hore SNM kama ay hawlgeli jirin deegaamada dhinaca Koonfureed ee dalka Somalia, balse markii dambe waxa halkaasi noogu yimid saraakiil uu ka mid ahaa Cabdi-Wahaab Nakruuma, waxaanay noo sheegeen inay halkaasi ka doonayaan inay saldhigyo ka samaystaan, waanu ka aqbalnay inkasta oo ay jireen caqabado badan oo xagga deegaanka ah oo ka horyimid, haddana markii dambe arrimahaasi si wanaagsan ayaanu u xalinay” ayuu yidhi, Kornayl Xuseen oo ka waramaya sidii ay uu ugu lug lahaa halgankii SNM.

Hase yeeshee, Kornaly Xuseen oo la weydiiyay rajadii uu ka qabay halgankii SNM ugu jirtay inay awoodda ka tuurto nidaamkii Siyaad Barre, ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxa aan qabay inay SNM mar uun ku guulaysan doonto halgankeeda” ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray “Run ahaantii waxa ay ii tahay farxad weyn manta inaan arko dadkii halgankaasi ku jiray oo samaystay dawlad ay leeyihiin, isla markaana ku dhaqanta hannaan dimuqraadi ah”.

Laakiin Mr. Xuseen oo la weydiiyay inay kulmeen saraakiishii ay ka wada shaqayn  jireen halgankaasi waxa uu yidhi. “Qaar badan oo ka mid ah saraakiishii aanu ka wada shaqaynay arrimaha halgankii ay ku jireen waanu kulanay kuwa kalena maanaan kulmin, runtii waa wax lagu farxo halgan aad qayb ka ahayd oo midho dhalay”.

Kornayl Xuseen isaga oo ka waramaya xaaladiisa shakhsiga ah waqti xaadirkani waxa uu yidhi. “Runtii hadda waxaan ahay hawlgab, isla markaana waxaan joogaa Hargeysa, waxaanan dadka reer Somaliland iyo dadkii halganka u soo galay Somalilandba iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay nabadgelyada, horumarka iyo dawladnimada ay gaadheen halkaa ka sii wadaan, isla mar ahaantaasi ay ka midho dhaliyaan halgankooda oo ay qarankooda dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba horumariyaan”.

Dhinaca kale, Kornayl Xuseen waxa uu sheegay in waqti xaadirkan maadaama oo yahay nin hawlgab haddii ay jirto cid doonaysa inay uga abaal celiso kaalintii uu ku lahaa halgankii SNM uu soo dhaweynayo, isla markaana uu u arki doono inay dadka reer Somaliland yihiin dad abaal loo galo.

Sidoo kale, Mr. C/Wahaab Nakruuma oo ka mid ahaa saraakiishii ayaa sheegay in marka la eego halgankii SNM ay jiraan dad badan oo kaalin ka soo qaadatay, waxaanu tusaale u soo qaatay in Kornayl Xuseen uu ahaa raggii kaalinta weyn ka qaatay aasaasida saldhigyada SNM ee dhinaca Koonfurta, taasi oo bedeshay ra’yigii markii hore SNM laga qabay oo ahaa inay tahay jabhad ka hawlgeli karta oo keli ah dhinaca Somaliland, balse  saldhigyadani ay keeneen in SNM ay noqoto mid meel kasta oo dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ah ka hawlgeli karta.

“Waxa waajib ah in aan la ilaawin dadkii halgankii dib u xoreynta kaalinta ka soo qaatay, tusaale ahaan Kornayl Xuseen wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sida weyn Madaxweyne Siilaanyo ugu soo dhaweysay saldhigyadii SNM ee Koonfurta waqtigii uu ahaa Gudoomiyaha SNM ahaa, Madaxweynuhuna wuu garanayaa faa’iidadii ay SNM u soo kordhisay furitaanka saldhigyadaasi, sidaasi darted waxaan ugu baaqayaa reer Somaliland dawlad iyo shacaba inay aanay ilaawin dadkii halgankooda ka caawi waqtigii ay jilicdasanaayeen, isla markaana waa in Kornayl Xuseen manta loo abaal celiyaa oo si weyn loo qaabilaa oo aynu noqonaa dad abaal celiya” ayuu yidhi Nakruma.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI