Allah ha Uu Naxariistee Marxum Xildhibaan Cabdilahi Ibraahim Xirsi Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Magaladda Hargeysa

0
665

Hargeysa, Somaliland – Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Hargeysa. Xildhibaan Dhugad oo Xalay geeriyooday, waxaa Aaskiisa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo), Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Wasiiro tiro badan, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Salaadiin, Aqoonyahano, iyo haldoorka bulshada qaybahooda kala duwan.

Madaxda qaranka ee ka qayb galay Aaska qaran ayaa Ehelka,Golaha guurtida iyo guud ahaanba bulshada Somaliland ka taciyadeedyay geerida Marxuum Dhugad.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka marag kacay kaalintii uu Marxuum Dhugad ku lahaa halgankii dib u xoraynta Somaliland iyo waliba qaybtii uu ka qaatay nabadaynta Somaliland.

DSC_0145 DSC_0142 DSC_0122 DSC_0080 DSC_0041